wasiirka Arrimaha Debeda Dr Biixi YoonisHargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo waddanka Boqortooyadda Ingiriiska uga cabatay in digniinaha dinaca socdaalka la xidhiidha ee hoos loogu dhigo xaaladda

ammaanka ay cuna-qabatayn iyo dhibaato ku yihiin maalgashiga shisheeye ee dalku ka heli lahaa beesha caalamka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda  Maxamed Biixi Yoonis oo magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay wefti ka socday dalka Ingiriiska maalintii Salaasada ee toddobaadkan, waxa uu xusay inay Boqortooyada UK u caddeeyeen dhibaatooyinka ka soo gaadha talooyinka dhinaca socdaalka ee hoos loogu dhigo xaaladda ammaanka ee Somaliland, isagoo sheegay in dawladda Britain u ballanqaadday inay kala saari doonto talooyinka socdaalka ee lagaga hadlo xaaladaha amniga ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Weftiga dawladda Ingiriiska oo ka koobnaa laba xubnood oo kala ah; Mr. Cameron Millar oo ah madaxa guddi-siyaasadeedka Barwaaqo-sooranka iyo arrimaha dibedda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo gobollada, xaruntooduna tahay magaalada London iyo haweenay la yidhaa Lizzie Lovett oo ah xoghayaha labaad ee saafaradda Britain ee Itoobiya u qaabilsan Somaliland, waxay masuuliyiint Wasaaradda Khaarajiga ka wadahadleen arrimo ku saabsab farriimaha dhinaca socdaalka ah ee laga soo saaro Somaliland.

“Waxa ugu weyn ee aannu maanta (shalay) weftiga Ingiriiska ah kala hadalnay waxay ahayd arrinta la xidhiidha talooyinka socdaalka (Travel Advise) ee ka soo baxa Ingiriiska. Waxaannu dawladda Ingiriiska u sheegnay in aanan jeclayn talooyinka dhinaca socdaalka ah ee aan runta ahayn ee ay ka soo saaraan Somaliland. Markii hore waxay nagu dareen liiska Soomaaliya oo ammaankoodu liito, imminka se waxay dawladda Ingiriisku waxay noo sheegtay inay kala saarayso farriimaha digniinaha ah ee Somaliland iyo Soomaaliya, balse weli arrintaas qaraar kamay gaadhin. Waxaannu u sheegnay in aanay wax dhibaato ah ka dhicin Somaliland ilaa sannadkii 2008-kii (xilligaas oo falal argagixiso ka dhaceen Hargeysa), isla markaana u caddaynay inay xaq-darro tahay inay isku daraan dhibaatooyinka ka dhaca Xamar iyo Somaliland. Waxaannu dawladda Ingiriiska u caddaynay in digniinaha dhinaca socdaalka ee ay soo saaraan ay dhibaato iyo cuna-qabatayn ku hayso dadka doonaya inay maalgashadaan Somaliland. Macluuumaadka aan saxda ahayn ee Ingiriisku ka bixinayo ammaanka Somaliland dal ahaan iyo dhaqaale ahaanba dhibaato noo keenayso,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka u qaabilsan UK, ayaa dhawr jeer soo saaray digniino hoos loogu dhigay heerka ammaanka Somaliland, sidoo kalena muwaaddinoontooda ugu loogu baaqay in aanay u safrin Somaliland, iyagoo ku andacooda inay cabsi ka qabaan weerarro argagixiso oo lala bartilmaameedsado dadka reer galbeedka ah. Haseyeeshee, waxa arrimahaas si is-daba jooga ah u beenisay dawladda Somaliland oo tilmaantay in ammaanka dalku yahay mid sugan oo aan wax dhibaato ah ka taagnayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *