Burco(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta shirkadda Shidaal baadhis ka waday Somaliland oo  lagu magcaabo Genel Energy si lama filaan ah uga baxday dalka. Kadib markii ay gebi ahaanba shaqaaleheeda

 

ka baxday dalka maanta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlay ka bixitaanka shirkadda shiidaalka ka baadhaysay goboladda barri ee dalka Genel Energy ayaa sheegay in aanay Somaliland uga bixin culays iyo turaan-turooyin kaga yimid dalka gudihiisa.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidaa ku sheegay mar wax laga weydiiyay hawshaa, isagoo golaha Wakiiladda hor tegey maanta si loo ansixiyo wasiirnimadiisa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Arrinta shirkadaasi ma aha mid ka timi xaggeena (Somaliland), nabad-gelyo xumo Somaliland ka timina ma aha, Shan cisho ka hor waxaan tagay Burco tuulooyin bay ka cawdeen xaga shaqaale hoosaadka ayay ka cabanayeen, arrintaa si wanaagsan ayaanu u dhammaynay oo raali aya ka ahayd shirkaddu,”ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde oo wax laga weydiiyay inuu ka war-bixiyo asbaabaha dhaliyay in shirkadda Genel Energy ay shaqaalaheeda Ajanabiga ah kala baxdo Somaliland.

 

Wasiir Waran-cadde waxa uu tilmaamay in aanay jirin sabab ay u daliishan karto inay nabad-gelyo xumo uga baxday dalka shirkadaasi, hase yeeshee waxa uu ku dooday inay xukuumadda uu ka tirsan yahay ay masuuliyiinta shirkadda Genel Energy wax ka weydiinayaan Axadda Beri waxyaabaha ku khasbay in go’aansadaan inay shaqaalahooda ajanabiga ah ee hawsha sahaminta shiidaalka laf-dhabarta u ahaa ay kala baxaan Somaliland.

Dhinaca kale laba maalmood ka hor ayay shirkadda Genel Energy qaar ka mid ah shaqaaleheeda kala baxda dalka. Kadib markii sida warar laga soo xigtay dad ku dhow dhow khilaaf cabsi geliyay oo ku sigtay gacan ka hadal uu dhexmaray shaqaalaha shirkadda qaarkood iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Somaliland ee ka hawlgelayay, taas oo sababtay in afar ka mid ah shaqaalaha Ajaanibka ah ay ka baxaan dalka.

Hase yeeshee shirkadda ayaa shaqaalihii u hadhsanaa iyo gebi ahaanba qalabkii iyo gaadiidkii dhinaca Magaalada Berbera usoo dhaqaajiyay, iyagoo aan dhinacooda wax war ah kasoo saarin sababta ay dalka uga baxeen.

Waxa jira wararka qaar sheegaya in khilaaf iyo muran ka taagnaa qaabka xukuumadda Somaliland u maamushay bilawgii hawsha shirkadahaa ay sabab u noqotay inay ka baxdo dalka shirkadda Genel. Kadib markii xal loo waayay murankaa, isla markaana ay soo dhowayn ka weyday dadka deegaanka ay doonaysay inay ka baadhaan shidaalka, taas oo cabsi ku abuurtay.

Balse waxa jira warar kale oo sheegaya in kasta oo ay arrimaha khilaafka ka taagnaa qaabka loo maamulay hawsha sahaminta shidaalka ay saamayn ku leeyihiin, balse ay taasi sii xoojisay  arrimaha ka taagan mandaqada bariga dhiexe, gaar ahaan xiisada ka taagan dalka Suuriya, taas oo laga cabsi qabo in weerar Maraykanku doonayo inuu ku qaado dalkaa uu saaman kui yeesho  shirkaddaha wadamada reer galbeedka ee ku sugan dalalka Islaamka.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *