Hargeysa(Araweelo News Network) shirgudoonka golaha wakliilada ayaa la filayaa in ay goor dhow si wadajir ah u shaaciyaan in lasoo afjaray khilaafkii u dhexeeyay Gudoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro iyo labadiisa
ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Xuseen, kuwaas oo khilaafkoodu ka dhashay isku shaandhayn gudoomiyaha Wakiiladu ku sameeyay gudiyada golahaa. Soo afjarida khilaafkan ayaa ka danbaysay kadib markii ay ka hawlgaleen Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo xildhibaano. Shirjaraaid oo ay wadajir ugu shaacinayaan shirgudoonku ayaa la filayaa in ay goor dhow ku qabteen xarunta Golaha Wakiiladda.
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1