Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda  ku qaabiley wefti uu hoggaaminayay Sheekha Shariif Makididi oo caan ka ah dunida islaamka, isla markaana ah Caallin  dhalinyaro

ah. Kadib markii  uu maanta  socdaal ku yimi Somaliland.
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in Sheekh Shariif Makididi mutunga uu yahay caalim weyn oo faafinta dacwadda islaamka isku xil saaray oo waddamo badan oo adduunka ahna muxaadirooyin ka jeediyay.
Wasiirku wuxuu sheegay in muxaadirooyinka sheekhan dhalinyarada ah ay ku islaameen dad lagu qadaray sideetan kun iyo lix boqol oo qof oo ku dhaqan wadamo kala duwan oo adduunka ah. Sheekh Khaliil waxa uu intaasi ku daray in sheikh Shariif Makididi uu hadlay isagoo sagaal bilood oo qudha jiray, taasina ay noqotay mucjiso aad u weyn oo uu Ilaahay  ku galaday.
Dhinaca kale Sheekh Shariif Makididi oo kulankaa ka hadlay ayaa cullimada, wasiirka diinta iyo awqaafta iyo madaxweyne Ku xigeenka Somaliland uga mahad celiyay sida diiran ee ay u qaabileen, waxaanu tilmaamay in Somaliland tahay dalkii 11-aad ee uu muxaadirooyin iyo dacwada faafinta islaamka uu ku tago. Waxa uu sheegay inuu muxaadirooyin u jeedin doono dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa maalinta khamiista ee fooda inagu soo haysa.

Madaxweyne xigeenka  Somaliland C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana  ah ku simaha  Madaxweynaha. ayaa u mahad celiyay Sh. Shariif Makididi, waxaanu tilmaamay inuu shacbiga iyo xukuumadda ka heli doono soo dhawayn wanaagsan, isagoo yidhi, “Waxaan u rajaynayaa mudada aad joogtid Somaliland inaad khayr ku dhamaysatid socdaalkaaga shacbiga Somaliland-na diyaar ayay idiin yihiin inay muxaadirooyinkiina. Dawladduna waxay diyaar u tahay inay ilaaliso amnigiina,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
Sheekh Shariif Makididi, ayaa kulankaa Madaxtooyadda kasoo jeediyay duco aad u dheer oo uu Somaliland iyo bulshada ku dhaqan ugu duceeyay khayr,  isla markaana uu Illaahay uga baryay inuu sii adkeeyo nabad-gelyadooda.
Sh. Shariif oo ah wiil mucjiso ah oo u dhashay dalka Tanzania, isla markaana ah xaafudul Quraan mujicso ku noqday dunidda islaamka. Kadib markii  uu hadlay isagoo sagaal bilood jiray, wuxuu meelo badan oo dunida ka mid ah ka soo jeediyay muxaadirooyin Diini ah. Waxaana  maanta is heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, isagoo mudo toban maalmood ah joogi doona Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *