Gebilay(ANN) Shan qof ayaa ku dhintay shil gaadhi oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay duleedka dhinaca Galbeed ee Magaaladda Gabiley. Kadib markii uu gaadhi kuwa shirkadda qaadka ee Ina Gaafane dulmaray gaadhi yar oo siday dad rakaab ah, kuwaas oo

 

dhinaca Wajaale usii jeeday.  
Sidoo kale waxa dhaawacyo halis ahi ka soo gaadheen shilkaa 2 qof oo kale, kuwaas oo la geeyay cisbitaalka guud ee Magaalada Gebiley. Sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala cusbitaalka. Shanta qof ee shilkaa  ku dhintay ayaa afar ka mid ahi ahaayeen rag, halka qofka shanaadna ahaa Haweenay,  iyadoo  dadka dhaawaca halista ahi kasoo gaadhay shilkaa uu ka mid yahay dirawalkii gaadhiga rakaabku la socday waday, kaas oo usii jeeday ka hor intaanu shilkaa gelin Magaaladda Wajaale.
Dadka la socday gaadhiga shilka galay iyo kuwa dhaacmay  ayaan weli la aqoonsan magacyadooda, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inay kasoo safreen dhinaca gobolka Togdheer.
Dhinaca kale ciidamada nabadgalyada wadooyinka ee Gabiley ayaa sheegay inay baadhitaan ku samaynayaan sababta  keentay shilkaa  oo ahaa mid aad looga wada naxay oo khasaare keenay, isla markaana shilalka wadooyinka galbeedka magaalada Hargeysa iyo wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa ayaa soo badanayay mudooyinkii u danbeeyay, kuwaas oo aan inta baddan baadhitaanada ciidamada wadooyinku ku sameeyaan aanay wax natiijo ah kasoo bixin

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *