Gebilay(ANN) Shan qof ayaa ku dhintay shil gaadhi oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay duleedka dhinaca Galbeed ee Magaaladda Gabiley. Kadib markii uu gaadhi kuwa shirkadda qaadka ee Ina Gaafane dulmaray gaadhi yar oo siday dad rakaab ah, kuwaas oo
dhinaca Wajaale usii jeeday.
Sidoo kale waxa dhaawacyo halis ahi ka soo gaadheen shilkaa 2 qof oo kale, kuwaas oo la geeyay cisbitaalka guud ee Magaalada Gebiley. Sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala cusbitaalka. Shanta qof ee shilkaa ku dhintay ayaa afar ka mid ahi ahaayeen rag, halka qofka shanaadna ahaa Haweenay, iyadoo dadka dhaawaca halista ahi kasoo gaadhay shilkaa uu ka mid yahay dirawalkii gaadhiga rakaabku la socday waday, kaas oo usii jeeday ka hor intaanu shilkaa gelin Magaaladda Wajaale.
Dadka la socday gaadhiga shilka galay iyo kuwa dhaacmay ayaan weli la aqoonsan magacyadooda, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inay kasoo safreen dhinaca gobolka Togdheer.
Dhinaca kale ciidamada nabadgalyada wadooyinka ee Gabiley ayaa sheegay inay baadhitaan ku samaynayaan sababta keentay shilkaa oo ahaa mid aad looga wada naxay oo khasaare keenay, isla markaana shilalka wadooyinka galbeedka magaalada Hargeysa iyo wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa ayaa soo badanayay mudooyinkii u danbeeyay, kuwaas oo aan inta baddan baadhitaanada ciidamada wadooyinku ku sameeyaan aanay wax natiijo ah kasoo bixin
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com