Villa Somalia qarax iyo weerarBuulaberde(Araweelo News Network)Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia ayaa ku nafwaayay qarax iyo weerar wada socda oo lagu qaaday Huteel ku yaal magaaladaa oo ay deganaayeen

 

saraakiisha ciidamada iyo madaxda.
Ugu yaraan 20 qof oo uu ka mid yahay Abbaanduulihii ciidanka dowladda ee Hiiraan Col Maxamed Amiin, sidoo kale waxa ka mid ah saraakiisha ku nafwaayay weerarkaa Cilmi Goobe oo ahaa Tliyaha Ciidanka dawlada ee Hiiraan iyo dhawr sarkaal oo kale, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inuu ku jiro Gudoomiyihii gobolka.
Waxaana dhaawac soo gaadhay sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolku Taliye xigeenkii ciidanka dawlada ee Hiiraan Cabbadullaahi Barre iyo gudoomiyihii hore ee Hiiraan sida ay faafisay Idaacad ku hadasha afka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ku billowday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray hotelka Camaloow oo ay daganaayeen saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Dagaalka ayaa socday saacado badan waxaana laysu adeegsaday hubka culus iyo madaafiicda.
Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM ayaa qiray qaraxa dhacay, balse waxa uu sheegay dhimashada ciidamadooda AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia intaa ka yartahay, wuxuuna ku dooday in ay kuwii soo qaaday weerarku kabahooda ka carareen.
Dhinaca kale Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lix dagaalyahanka Al-shabaab lagu dilay goobtaas, balse ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka laba dhinac iyo qaraxa ka hor dagaalka ka dhacay halkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *