kusoo beegmay maalmo ka hor shirkii dawladda Britain 23 Feb, ku qabatay London ee lagaga hadlayay mustaqbalka Somalia iyo mushkilada Budhcad-badeeda Somalia, Al-shabaab iyo sidii mashaariic dib u dhis iyo horumarin loogu samayn lahaa Somalia.
Sidoo kale waxay Al-shabaab iskeed uga baxday intii aanu dhicin shirkaasi magaalooyin waaweyn oo ay gacanta ku haysay dhawrkii sanadood ee u danbeeyay. sida Baydhabo oo magaalo istiraaatiiji ah iyo meelo kale, iyadoo dhawr bilood ka hirna ay sheegeen inay dib u habayn ku samaynayaan ciidamadooda dagaalka kula jira Huwanta Isbahaysiga ciidamada Ethiopia, Kenya iyo AMISOM oo taageera ciidamada dawladda taagta daran ee Somalia.
Dhawaaqyada iyo dib u gurashada dhinaca dagaalka ee Al-shabaab ayaa la rumaysanyahay inuu ka dhashay cabsida kaga timi dhinaca weeraro cirka ah iyo hawlgalo wadajir ah oo ay ciidamada huwanta ahi kusoo qaadeen, balse waxa jira tibaaxo iyo xoggo kale oo sheegaya in Al-shabaab oo ka dagaalnta Somalia , isla markaana ah wakiilada Alq-Qaida ee Bariga Afrika iyo kooxda ka dagaalnta dalka Yaman ee Ansaaru Shareeca oo iyaguna ah Al-Qaidada Yaman ay qorshaynayaan sidii ay istiraatiijiyad cusub u qaadan lahaayeen, isla markaana u bedeli lahaayeen qorshayaashooda dagaalka ee k u wajahan reer galbeedka. Sidoo kale waxa la rumaysan yahay in Al-shabaab waqtigan oo Ururweynaha Al-Qadia ay soo waajaheen dhirbaaxooyin iyo guuldaro sanadii u danbeeyay, kuwaas oo lagu dilay hogaamiyayaal waaweyn oo ururka ahaa Sida aasaasihii Asuma Binu Laden iyo hogaamiyaal lagu dilay Somalia, Yaman, Afganistaan iyo meelo kale, taas sababtay inay wiiqmaan hawlgalada ay dunida ka wadaan Al-Qaida.
Sidaa awgeed loo baahanayhay in qorshe cusub iyo istiraatiijiyad horle, iyadoo dhinaca dalka Kanya oo mararka qaar gabood ay ka dhigan jireen Al-shabaab marka ay wiiqmaan waqtigan cadaawad aan hore uga dhaxayni ka bilaabantay. Kadib markii weeraro ay ciidamada Kenya sanadkii hore kusoo galeen gudaha dalka Somalia.
Sh. Maxamed Siciid Attam oo hogaamiya kooxda ka dagaalanta Buuralayda gal-gala ee duleedka Boosaaso, isla markaana ah Xidhiidhiyaha Al-Qaidada Somalia iyo kuwa Yaman ee Ansaaru Shareeca, ayaa isna dhowaan sheegay inay la midoobeen Al-shabaab oo hoos tagta Ururweynaha Al-Qaida. Dhamaan dhawaaqyadaa iyo qorshayaasha cusub ee Al-shabaab ayaa la rumaysanyahay inay yihiin kuwo gogol xaadh u ah dib u habayn weyn oo lagu samaynayo ururka Al-Qaida, gaar ahaan kuwa galbeedka Afrika ee kooxda Boko Haraam, Ansaaru Shareecada Yaman iyo Al-shabaabta Somalia, waxayna xoggo la xidhiidha qorshayaasha ay kaga bexeen magaalooyinka ay gacanta ku hayeen ee Somalia sheegayaan in xubno sare oo ka mid ah muhaajiriinta iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab u talaabeen dhinaca Buuralayda Sisilada Golis, gaar ahaan aaga uu ka taliyo Sh. Attam, kuwaas oo qaarkood u talaabeen dhawr todobaad ka hor dhinaca dalka Yaman, iyagoo doonaya inay taageero xoojin ah siiyaan kooxda Ansaaru shareeca ee dalka Yaman, kuwaas oo ahmiyada dagaalka ay kula jiraan ciidamada dalka Yaman ku doonaya inay gacanta ku dhigaan magaalada mihiimka ah ee Cadan, taas qabsashadeedu fursad weyn u noqonay Al-Qaida, isla markaana suurta gelinay isku xidhka Al-Qaida ee Gasiirada carabta ee Yaman, galbeedka Afrika iyo Somalia. Kooxda Ansaaru shareeca waxay iskood uga baxday todobaadkan sida kooxda al-shabaab samaynsay oo kale magaalada Bayda ee dalka Yaman, taas oo ay gacanta ku hayeen, balse iyadoo aan cidna ka saarin ay ku wareejiyeen Odayaasha magaalada. Kadib markii ay maamul u sameeyeen, waxaana la rumaysan yahay inay qayb ka tahay dib u habaynta Al-Qaidada gasiirada Carabta iyo bariga Afrika iyo inay xiliyadan oo kale dagaalka u bedelaan Hawlagalo shirqoolo dilal qorshaysan iyo qaraxyo is miidaamin ah. inkasta oo kooxo Al-shabaab ahi shalay socod ku mareen magaalada Muqdisho iayagoo taas jawaab uga dhigaya ka sifaynta magaalada iyo guusha ay sheegatay dawlada taagta daran ee Shariif, hadana waxay noqon kartaa fariin raadgadasho ah.
Sidoo kale kooxaha Al-shabaab ee gaadhay Buuralayda Silsilada Golis ee duleedka Boosaaso ayaa qorshayna inay hawlgalo ka dhan ah maamaulka Puntland ka fuliyaan magaalada Boosaaso iyo meelo kale, iyadoo hawlgaladaa oo kalena looga cabsi qabo inay qorshaynayaan inay ka fuliyaan Somaliland.
Dhinaca kale Al-Qaidada galbeedka Afrika, Masar iyo kuwa Gasiirada carabta ee Yaman ayaa ka faa’idaystay fursad weyn oo ay ka heleen kacdoonadii sannadii hore ka dhacay dalalkaa oo sababay in xukunka lagu tuuro hogaamiyaashii dalalka Libiya, Tunisia, Masar iyo Yaman, isla markaana ay waqtigan dib u habayn ku samaynayaan isku xidhka qorshohooda istiraatiijiyadeed ee dagaalka ay ku jiraan.
Qaar ka mid ah muhaajiriinta dagaalka ka waday Somalia ayaa sanadkii hore sida ay shebekada Araweelonews oo heshay tibaaxo aarimahaa la xidhiidha oo ay baahisay 11 May 2011 in Boqolaal kale oo ka mid ah dagaalyahanka Al-shabaab ay u haajireen dalalka Yamen iyo Libya si ay uga dagaalamaan halkaa, iyadoo koox lagu qiyaasay inay gaadhayaan dhawr boqol oo u baddan muhaajiriinta ka dagaalama u talaabeen bilihii March iyo April 2011 dhinaca dalka Yamen oo lagu tilmaamo xudunta aasaaska u ahayd shebekada weyn ee Al-Qaida, kuwaas oo lala xidhiidhiyo kooxda ka dagaalanta Somalia ee Al-shabaab. Waxaana jira warar iyo tibaaxo laga helay dhinaca dalka Yamen oo sheegaya inay kooxaha hoos yimaada urur weynaha Al-Qaida ka qorshaynayaan inay gacanta ku dhigaan marinka istiraatiijiga ah ee gacanka cadmeed, halkaas oo ay rumaysan yihiin inay hawlgalo ka dhan ah reer galbeedka si fudud uga fulin karaan iyo sidoo kale inay gabood ka dhigtaan Buuralayda silsilada Woqooyi Bari Somalia ee Puntland oo kulaalaya bada Cas, iyadoo goobtaasi saldhig u tahay Sh. Maxamed Siciid Atta moo ah Hogaamiyaha xidhiidhiyaha Al-Qaida ee Bariga Afrika iyo Gasiirada Carabta. Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyada noocan ah ayaa u muuqda kuwo iftiiminaya khatar weyn oo soo waajahaysa mandaqada bariga Afrika iyo guud ahaan amaanka marinka istiraatiijiga ah ee cadmeed, kaas oo markii horeba ay khatar ku ahaayeen kooxaha Budhcad-badeeda ee ka qawlaysta xeebaha Somalia ee usii jeeda dhinaca Badweynta India iyo afaafka marinka Badda cas.
Xusuus Warbixintan oo lagu faaqiday istiraatiijiyada mandaqada waxa la daabacay Tuesday, 06 March 2012, balse maanta oo aanu dib u daabacnay laba sandood ka dib waxba iskama bedelin waxyaabaha iyo nuxurka lagu faaqday xiliggaa.
By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com