duufaanka hayaanaroowe(Araweelo News Network)Roobab aan kala go’ayn si xidhiidh ah u day’aya ayaa ka curtay magaalooyinka iyo deegaamada usii jeeda xeebaha Badda cas iyo dhinaca cidhifka bari Somalia ee

 

xeebaha kulaalaya Badweynaha India. Roobabka oo bilaabmay habeen hore ayaa usoo gudbay dhulka loo yaqaan Oogada ee jooga sare, waxaana soo baxaya warar sheegaya in khasaare uu ka dhashay deegaamada qaarkood, iyadoo aan inta badan laga warqabin deegaamada Xeebaha oo aanay jirin isgaashsiinta oo hakad gashay.

Maamulka Puntland ayaa maanta ka hadlay khasaare ay sheegeen in uu  ka dhashay roobabkaa oo meelaha qaar dabaylo wata, kuwaas oo ka da’ay  deegaannada Puntland ee ku teedsan xeebta bad-weynta India.

Madaxweynaha  Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inay roobabka ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, sidoo kalena ay khasaare gaadhsiiyeen dad iyo duunyo, wuxuuna ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo uu sheegay in ay soo wajahday Puntland, isagoo  magacaabay guddi heer maamul ah oo u xilsaarnaan doona wax-ka-qabashada xaaladda khasaaraha ka dhashay roobabkaa oo weli da’aya.

Sidoo kale Maamulka Puntland ee Somalia ayaa sheegay in maamul ahaan uu diyaariyay daawo, cunto iyo agab kale oo loogu gurmanayo dadka ay dhibaatadu soo gaadhay, taas oo uu sheegay in ay deegaamada dhinaca Xeebta Badweynta usii jeeda gaadhsiinayaan Ciidamadooda Badda.

Deegaamada usii jeeda Badweynta India ee magaalooyinka Bandar-bayla iyo Eyl ayaa ugu badan meelaha uu khasaaraha roobabka dabaysha wata laga sheegayo.

Sidoo kale dhinaca Xeebaha dhinaca Somaliland ee bariga oo usii jeeda Bada Cas ayaan si cad loo ogayn khasaare ka dhashay roobabkaa, waxayna dadka deegaamada fog sheegayaan in aanay jirin isgaashiin lagula xidhiidho meelaha qaarkood sidaa awgeed ay adagtahay in war sax ah laga helo.

Roobabka ayaa sidoo kale ilaa xalay si toos ah oo xidhiidhsan uga Da’ayay  magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo xeebaha yar yare e dhinaca Bariga, balse ma jiro ilaa hada khasaare la ogyahay oo ay dhaliyeen.

Hase yeeshee Roobabka ayaa laga cabsi qabaa in ay meelaha xeebaha isu bedelaan dabaylo iyo Duufaan lala xidhiidhinayo inay ka dhasheen roobabku oo hafiyay dalka Filibin ee Konfur Bari Asiya  iyo sidoo kale Viatnam , waxayn duufanada ku habsaday dalalkaa sababeen dhismashada kumanaan qof , iyadoo kumanaan kale  ka qaxeen guryohooda. Kadib markii ay burburisay duufaanta oo lagu magcaabo Hayaan, taas oo ku soconay xawaare ka badan kii ay dabayshii Katarina ku socotay dhawr sanadoo ka hor markii duufaantu ku dhifatay Maraykanka ee Hurricane Katrina oo 205km jaraysay saacadii, taas oo 125mph awoodeeda lagu qiyaasay, balse duufaanta hada ee Hayaan ayaa noqotay tii ugu khatarsanayd ee soo marta dunida, iyadoo jaray saacadii 320 km/h, isla markaana xajmiga awoodeeda lagu cabiray  (199mph)., waxayna gebei ahaanba dhulka la sintay magaalada Typhoon oo ka tirsan dalka Philipin.

Duufaanka Hayaan ayaa laga cabsi qabaa inay u gudubto dhinaca geeska Afrika ee xeebaha usii jeeda India , iyadoo sidoo kale la saadaalinayo inay u gudubto qaarado kale.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *