raysalwasaaraha LibyatddobaadTripoli (Araweelo News Network)Raysal wasaariha cusub ee dalka Libya oo  todobaadkii hore xilka jagada Raysal wasaaraha loo doortay Mr. Cabdullaahi Thunayi ayaa maanta si lama filaan ah ugu dhawaaqay in aanu

 

awoodin inuu hanto xilkaa loo doortay oo soo dhiso xukuumad cusub oo loo dhanyahay. Sidaa awgeed
uu ka cududaaranayo xilkaa.
Wuxuu ku dooday  in ay jiraan sababo aan suurta gal ka dhigayn in uu dhiso xukuumad cusub, isagoo sheegay in uu mudadii todobaadka ahayd ee uu magcawnaa la kulmay hanjabaado iyo digniino, isla markaana weerar hunjuun iyo cabsigelin ah  lagu qaaday shalay, halkaas oo dagaal ku dhexmaray ilaaladiisa iyo malayshiyada soo weerartay gurigiisa sida uu ku dooday.
handaad uu lakulmay asaga iyo qayskiisa.wuxuuna tilmaamay in maalintii shalay ahayd weerar lagu soo

Mr. Cabdullaahi Thunayi ayaa sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray, kaas oo uu ku xusay in naftiisu gashay halis, isla markaana aanu doonayn in dalkiisu dhibaato iyo qalalaase kusii jiro iyo in dhiig ku daato kursiga uu ku fadhiyo. Sidaa awgeed uu go’aansaday in uu xilkaa iska casilo.

Ninka iska casilay jagada Raysal wasaaraha dalka Libya  Mr. Cabdullaahi Thunayi waxa jagada u magacaabay golaha Barlamaanka Libiya kadib markii ay xilka ka qaadeen raysal wasaarihii hore Cali Zeydaani oo ay ku eedeeyeen in ay fashilantay xukuumadiisii, balse ninka cusub ee la magcaabay ayaa khilaaf ka aloosmay, magcaabistiisa, taas oo sababtay inuu xilka iska casilo ka hor intii aanu soo dhisin dawlad cusub.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *