Odinga1

Nairobi(Araweelo News Networ)Raysal wasaarihii hore ee Dalka Kenya Raila Odinga ayaa si kulul ugu dhaliilay dowlada Kenya qaabka ay ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed howlgalada ay kula dagaalamayso

 

argagaxisada ee magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Mr  Odinga oo la wareystay isagoo jooga Boston, Massachusetts ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in ciidamada dowlada ay ka dhigteen yoolkooda Soomaalida markii ay baadhitaanka ku sameynayeen dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin argagaxisada deegaanka Isli (Eastleight) ee Soomaalidu kubadantahay .

“Qaladku ma aha oo kaliya qaabka ay dowlada uga raadisay halkaa dadka lagu tuhunsan yahay argagaxisanimada, balse waxa ka daran dhibaatada taasi ka dhalan karta mustaqabalka. Ma haboona in ciidamada loo fasaxo in ay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya loo nisbeeyo in ay argagaxisda iyaga kaliya ay yihiin,”ayuu yidhi.

Odinga waxa uu sheegay in ay iska caddahay in dad ka soo kala jeeda qomiyado kala duwan oo aan ahayn Soomaali kaliya ay sameeyeen falal aragagaxiso ah, taas oo uu sheegay in hore loo arkay dad ka soo jeeda qowmiyado kale oo aan ahayn Soomaali oo falal argagaxiso ka sameeyay dalka Kenya.

“Waxaan aragnay dhalinyaro ka soo jeeda Luo, Luhya, Kikuyu iyo qaar kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso. ,”ayuu yidhi Odinga.

Raysal Wasaarihii hore ee Dalka Kenya Mr. Odinga ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in aanay dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyada Soomaalida oo kaliya lagu bartilmaameedsaday, taas oo sababtay xasuuqii  ka dhacay halkaa.

Hadalka Raysal Wasaarihii hore ee Kenya Odinga ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii dad gaadhaya Afar kun oo qof oo Soomaali ah ay ciidamada Kenya ku qabqabteen. Kadib hawlgalo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda Isli ee Nairobi, kuwaas oo loola dhaqmay si foolxun, isla markaana boqol ka mid ah dadkaas la qabqabtay loo soo masaafuriyay dalka Soomaaliya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *