maxkamadda hargeysa1Hargeysa(Araweelo News Network) Haweenayda loo haysto dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd Haweenay Ganacsato ah oo todobaadkii hore si foolxun loogu khaarajiyay guri ku yaala

 


 

Bariga magaalada Hargeysa oo ay deganaayeen qoyska loo haysto dilkaa kadibna laguriday god.
Muna Cabdullaahi iyo Lix qof oo ka mid ah qoyskeeda oo ay wheliyaan dad kale ayaa saaka la keenay Maxkamadda gobolka Hargeysa, waxaana la dhegeystay markii u horaysay kiiskaa dadka loo haysto oo intooda badan ka mid ah qoyska loo haysto dilkaa waxashnimada ah.
Dhegeysiga dacwada oo ay ka qaybgaleen dadweyne badan ayaa laga horjoogsaday in ay galaan gudiaha Maxkamadda, kadib markii ciidamada amaanku xidheen dhamaan wadooyinka gala maxkamadda, iyadoo boqolaal dadweynaha magaalada Hargeysa oo ka cadhaysan falkaa foosha xun soo buuxiyeen agagaarka dhismaha Maxkamadda.
Hase yeeshee ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Gobolka ayaa warbaahinta u sheegay markii uu dhamaaday dhegeysiga kiiskaasu in mudo todobaad ah rumaan loogu dhigay, isagoo xusay in kiisku yahay hadda mid waadax ah, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan loo soo gebagebaynayo.

Hase yeeshee ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ayaa warbaahinta u sheegay markii uu dhamaaday dhegeysiga kiiskaasu in mudo todobaad ah rumaan loogu dhigay, isagoo xusay in kiisku yahay hadda mid waadax ah, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan loo soo gebagebaynayo.

Xeer-ilaaliye-ku-xigeenka Guud ee Qaranka oo warbaahinta la hadlay markii laga soo dareeray fadhigii koowaad ee dhegaysiga dacwadda loo haysto eedaysanayaashaas,  ayaa sheegay in 7 qof oo ku eedaysan dilka maxruumad Ruqiya Siciid Ayaanle maxkamaddu u jartay in muddo rumaan ahaan loo hayo, kadibna markale si degdeg ah loo gudo-geli doono dhegaysiga kiiskooda.

Waxa ku-xigeenka Xeer-ilaaliyuhu sheegay in shaqsiyaadka dilka gaystay ay ku eedaysan yihiin qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta guud  oo lala akhriyo qodobka 71, kuwaas oo dhigaya in qofka dila qof kale loo dilo, isagoo xusay in xubno kaloo falkan ku eedaysana lagu loo cuskaday qodobka 297 ee xeerkaas oo jidanaya in qofka ka qaybqaata fal dambiyeed xukunkiisu dil yahay amma xabsi daa’in, kaasoo fududeeya in falkaas dhaco amma dambiiluhu baxsado uu mutaysanayo xukun xadhig ah oo ka bilaabma 4 sannadood iyadoo loo eegayo kolba baaxadda dambiga uu galay leeyahay.

“Dadka dilka tooska ah geystay waxay ku eedaysan yihiin qodobadda 434 oo lala akhriyo 71 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Dad gacan-siin ku eedaysan oo dhawr qof ah waxay ku eedaysan yihiin qodobka 297 ee Xeerka Ciqaabta Guud ah, haddii lagu waayana ay xorriyaddooda heli doonaan, haddii lagu helana la xukumi doono,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha oo oogaya dacwadda toddobada eedaysane ee loo haysto dilka marxuumaddaas.

Waxa kaloo uu xusay in dadka dambigan loo hayaa ee ku eedaysan dhan yihiin 7 qof, waxaannu yidhi; “Dadka eedaysanaha ah ilaa imminka waa toddoba qof. Wixii fal-dambiyeedkaasi ku raad yeeshay ee ilaa imminka la ogaaday baa la qabtay oo maxkamadda laga soo hor eedeeyey.”

Ku-xigeenka Xeerilaaliyaha Guud waxa kale oo uu sheegay in kiiska dilka ah warkiisu cad yahay, isagoo tibaaxay in marxuumadda loo dilay hab aanay dadka Somaliland dhaqan u lahay, “Kiiskaas waa kiis warkiisu cad yahay, waana kiis aad u fool xun oo dil ah, waana hab aynaan dhaqan ahaan u lahayn oo innagu cusub. Waa lagu guulaystay, dadkii fal-dambiyeedkaas ku eedaysnaana garsoorka ayaa la horkeenay, xeer-ilaalintuna waxay goysay eedayntii u horraysay ee bilayska, mana aha eedayntii kama dambaybsta ahayd, waxaanay Maxkamaddu awood u leedahay kiiskaa ay u rumaan garaysay in si dhaqso ah loo qaado, bilayskuna way noo keeneen, annaguna maxkamadda ayaannu horgeynnay, degdeg baana kiiskaas loo qaadayaa.”

Dadka ku eedaysan dilka marxuumad Ruqiya oo toddobaadkii hore maydkeeda laga helay god ku yaal guriga xaafadda bariga Hargeysa ah oo dhagaysiga dacwaddoodu Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ka bilaambay subaxnimadii hore ee shalay, ayaa rumaan ahaan dib xabsiga loogu celiyey muddo toddoba maalmood ah si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo eedaymaha loo haysto.

Dhinaca kale, muddadii dhagaysiga dacwaddu socday waxa si aad ah loo adkeeyey ammaanka Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxayna ciidammada boolisku xidheen albaabada gala maxkamadda, iyadoo laga cabsi qabay in rabshado ka dhashaan qaadista kiisan oo xasaasi ah.

Dadweyne tiro badan oo haween iyo dhallinyaro u badan, ayaa agagaarka Maxkamadda Gobolka Hargeysa tubnaa intii dhegaysiga kiisku socday, iyagoo u dheg taagayey natiijada ka soo baxda, kuwaasoo sheegay inay rajaynayaan in caddaaladda iyo ciqaabta la mariyo cid kasta oo lagu heli dilka marxuumaddaas.

Dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo ah mid noociisu ku cusub yahay Somaliland, wuxuuna noqday mid dadku aad u hadal hayaan, kaasoo ay u dheg tagayaan halka uu ku dambeeyo iyo sida garsoorku uga go’aan gaadho shakhsiyaadka lagu helo dambigaas.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *