http://jamhuuriyamedia.com/wp-content/uploads/2014/03/masuuliyiinta-dabbaashay.jpgSaylac(Araweelo News Network)Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland oo booqasho ku tegey Jasiirada Sacadadiin ee xeebaha Balbeedka Somaliland ayaa ugu baaqay ganacsatada waddaniga ah

inay maalgashadaan Jasiiraddaa oo ku taal badda Saylac, iyagoo sheegay haddii loo waayo cid maalgashata in xukuumaddu u raadin doonto ganacsato heer caalami ah oo lacag gashada jasiiraddaas dalxiiska ku fiican.

Masuuliyiinta dawladda oo badankoodu markii ugu horreysay booqday Jasiiradda Sacadadiin maalintii Arbacada ee toddobaadkan oo kala ah; wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada, Warfaafinta, Dib-u-dejinta, Arrimaha Dibadda iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa, Afhayeenka Madaxtooyada, Badhasab-ku-xigeenka Gobolka Salal, Taliyaha Ciidanka Ciidanka Ilaalada Salal iyo xildhibaanno kale, waxayna ganacsatada reer Somaliland ku boorriyeen inay maalgashadaan jasiiraddaa oo ku taal duleedka badda ee xeebaha galbeedka ee magaalada Saylac.
Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in booqashadiisan tahay markii ugu horraysay ee uu arko Jasiiradda Sacaadadiin, isagoo xusay in caalamka lagula shuraakoobi karo si dalxiis ugu yimaaddaan dad dunida ka kala yimi.

“Jasiiraddan waa markii iigu horraysay ee aan imaad ee aan cag soo dhigo. Jasiiradda waan maqli jiray oo xilligii Ingiriiskiina taariikh bay lahayd. Wixii kale ee faraha badnaa ee hadal ah ee aan maqli jirayna qayb badan oo ka mid ah baan arkayaa, waxaanay iigu muuqataa in Jasiiraddani ka mid tahay qaniimadaha waaweyn ee dalkani leeyahay ee aan sida fudud lagu lumin karin amma sida fudud lagu illaawi karin. Qaniimadan maalinta ay awooddeennu ina gaadhsiiso wax badan ka samayn karno amma maanta kula shuraakoobi karno cid wax badan ka samaysa, waana qaniimad in laga faa’iideeyo ay u taal dawladda iyo dadkeedaba,” ayuu yidhi Md. Cakuse.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta ku cusub aragtida Jasiiradda Sacadadin, ayaa u soo jeediyey ganacsada waddaniga ah inay maalgashi ku sameeyaan Jasiiraddan, haddii la waayo cid maal gashatana xukuumaddu ka tashan doono inay u raadiso cid kale oo maalgashada, waxaannu yidhi; “Jasiiradda Sacadadiin maqal uun bay igu ahayd, maantana aragti fiican bay ii tahay, waanan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo oo aan imaad. Jasiiraddani waxay ka mid tahay dhulka aynnu leenahay ee u baahan in wax laga qabto, waana meel cidlo ah oo aan cidi degenayn, laakiin waa meel wax badan dalka ku biirin lahayd haddii laga shaqeeyo, waana meel iminka tacab u baahan. Imminka wax ina tari mayso, laakiin waa meel u baahan inaynnu cid keenno amma innagu ku tacabno. Markaa dadka maalgashi awood u leh ee muwaadiniinta ah waxaan u soo jeedinayaa inay maalgashadaan, hadday suurtoobi waydo xukuumaddu ciddii kale ee awoodi karta waa laga tashan doonaa.”

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku boorriyey ganacsada reer Somaliland ah inay ku dhiirradaan maalgashiga Jasiiradda Sacaadadiin dalxiiska ku wanaagsan.

“Anigana sidaa labada wasiir ee hore u sheegeen qudhayda maanta ayaa iigu horraysa Jasiiradda Sacaadadiin, laakiin Sacaadadiin waa meel qurux badan oo taariikh leh, waana meel noqon karta meel dadka lagu soo dhaweeyo oo dalxiiska laga horumarin karo, aad baanay u qurux badan tahay, khayrna way inoo tahay inaynun meeshan aad u maalgashanno amma cid ugu yeedhno oo meeshan meel qiimo leh oo qurux leh oo la mid ah meelaha caalamku u dalxiis tagaan ayey la mid tahay amma ka qurux badan tahayba, marka waynu maalgelin, waanaynu dhisi wakhtiga Ilaahay yidhaa, waxaanan filayaa in dad badan u soo dalxiis tagaan, waana meel dadkeenna wax badan u soo jeedin karta oo dad badan oo maalgashadayaal ah iman karaan, balse dad badan oo maanta aan dabbaasha aqoon baa nala socday oo Cukuse u horreeyo, waanuna sigannay,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Wasiirka Wasaarada Dib-u-dejinta Md. Axmed Cali Kaahin oo ka soo jeeda degaanka Saylac, ayaa isaguna sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu cagta saaro ciidda jasiiraddaas, waxaannu ku baaqay in maalgashi lagu samaysto.

“Sida wasiiradii horaba sheegeen, Sacaadadiin waa Jasiiradda ugu qiimaha badan xeebaha Somaliland, waxaanay u baahan tahay in tacab la geliyo, maantaana imaatinkeeda iigu horreeya, inkastoo aan reer Saylac ahay, haddana maan iman oo gobollada kale ayaan joogay, waana meel qurux badan,” ayuu yidhi Wasiirka Dib-u-dejinta.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ganacsatada kula taliyey inay jasiiraddaas ka samaystaan hudheello iyo goobo dalxiis si dadka caalamku dalxiis ahaan Somaliland ugu yimaaddaan.

“Aniga qudhayda waa maalintii iigu horraysay, balse wasiirada waxaan dheerahay anigu aflaamta ayaan aad u daawan jiray. Halkaa markaynnu dhexmarayno waxaad mododaa halkii filimaanta lagu jili jiray ee Fiidnaamta ee laga dhex bixi jiray. Waa jasiirad aad u qurux badan, marka ganacsatadeennu iyagaa lacagta inoo hayee haddii hudheello iyo meelo dalxiis laga dhiso aad bay u qurux badnaan lahayd.”

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa tilmaamay in Jasiiradda Sacadadiin ka mid tahy himilooyinka horumar ee Somaliland ku faano, taasoo mustaqbalka ka mid noqon doonta meelaha dakhliga ugu badan ka soo hoydo, waxaannu shacabka degaankaas ku wargeliyey ka ilaaliyaan qashinka iyo waxyaabaha bilicdeeda wax u dhimi kara.

Sidoo kale Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Saylac, ayaa dhinaciisa ganacsatada Somaliland ugu baaqay inay dhaqaale gashadaan dalka, wuxuuna xusay in shacabka awoodda maalgashigooda la yimaaddaan si loo horumariyo Jasiiraddaa oo ahmiyad weyn u leh dalxiiska.
info@araweelonews.com

jamaac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *