Qaraxyo Khasaare Dhaliyay Oo Lala Beegsaday Afaafka Hore Ee Madaxtooyadda Somalia Iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka HadlayMuqdisho(Araweelo News Networ) Qaraxyo ismiidaamin ah oo xooggan ayaa ka dhacay maanta  barxadda iskaashatooyinka oo ka soo horjeedda dhismaha ex-fiyoore oo ku dhow Makhaayadda Village ee duleedka Madaxtooyadda Villa Somalia, halkaas oo hore qaraxyo

 

ismiidaamin ah ay uga dhaceen.

 

Kadib Markii Weerarka oo loo adeegsaday laba gaadhi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana qaraxaa sheegatay Al-shabaab waxa ku dhintay Inta la ogyahay 15-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay  in ka badan 20-qof oo dad rayid ah u badan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaailya oo ka hadlay weerarkan ayaa ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo.

 

“Inta aan maqlay waxaa ku dhintay qaraxyadan 14-qof, waxaana dadkani ay intooda badan dhinteen iyagoo doonayay inay u gurmadaan dad waxyeello ay ku gaadhay qaraxii hore, waana arrin xanuun badan,” ayuu  Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka hadlaay shir lagagaa hadlayo xag-jirnimada oo ka furmay Muqdisho.

Weerarka ayaa kusoo beegmay xili uu soo baxayay khilaaf u dhexeeya hogaanka sare ee Al-shabaab, waxaana qaraxaa midkan la mid ah uu  isla makhaaxidaa ka dhacay bilihii Sebtember iyo November ee sanadkii hore.

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *