Albaabka nidaamka maalgelinta Somaliland.
“Waxaan rumaysanahay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo waxa dhabta ah, wuxuuna tusaale usoo qaatay Dahabshiil oo uu ku tilmaamay mid hormood u ah fikradda samaynta Albaabka leh nidaam maalgelinta Somaliland.” Ayuu yidhi Prof. Dimitry oo qoraal kooban ku qoray bogga shirkadda caanka ah ee openxrptalk.com oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida ee lacagaha laysugu diro.
Prof. Dimitry ignaat, waxa uu sheegay in Dahabshiil yahay addeeeg caalami ah oo aad u horumarsan oo casri ah, marka loo eeggo Western Union, isla markaana aan qaali ahayn, isagoo yidhi, “Kani (Dahabshiil), waa addeeg iyo xataa mid ka sii horumarsan Western Union, mana aha mid sidaas u qaali ah sida Western Union, isla markaana aad uga caalamisan Western Union.” Ayuu yidhi Prof. Dimitry oo mar wax ka dhigi jiray Jaamacadda Abaarso Tech University, wuxuuna waqtigan ka mid yahay madaxda shirkadda caanka ah ee Sumsung INC.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com