Hargeysa(ANN) Orgi yar oo lasoo xaday, ayaa in muda ah ku jiray Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa. Kadib markii Nin Tuug  ah oo soo xaday Orgigaa  ay sii daayeen Ciidanka Boolisku. Sarkaaal ka tirsan Booliska, ayaa u sheegay

weriye ka socday Shebekadda Wararka ee Araweelonews in Orgigaa uu dhawr todobaad ka hor soo xaday Nin Tuug ah, balse Taliyaha Saldhigu sii daayay Ninkaa Tuuga ah, iyadoo Orgigaana lagu hayo weli Saldhiga  dhexe oo uu qaab maxbuus ugu jiro.
“Orgiga lama garanayo cidii lahayd, laakiin waxay ahayd markii la sii daayay Tuugii soo xaday in la geeyo xaafadii uu kasoo xaday oo Hargeysa ka mid ah, balse may ahayn in Tuugiina lasiidaayo Neefka xoolaha ahna lagu hayo Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal ka tirsan Booliska oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, wuxuuna sheegay in Orgigaa la siiyo garaabo iyo garaw, mana garanayo sababta saldhiga dhexe masuuliyiintiisu sidaa u yeeleen.

Dhinaca kale Wargeyska jamhuuriya, ayaa Todobaadkan lagu baahiyay inay ciidanka Booliska Somaliland qabteen Nin Tuug ah oo qaab casri ah uga xada Xaafadaha Magaalada Adhiga loo yaqaan belediga, kaas oo wata gaadhi uu ku qaato Adhiga uu xado. Kadibna uu Saylada weyn ee Hargeysa ka iibiyo, isagoo inta baddan wata gaadhi nooca loo yaqaan Mark II, oo  uu kiraystay ku qaata.
Ninkan oo aad deggan xaafadda Shacabka wareeriyey, ayaa cabsi weyn ku abuuray dadweynaha xoolaha ku dhex dhaqda magaalooyinka, isagoo dakhli baddan ka heli  jiray, maadaama Sayladda Adhiga neefkiisa ugu qaalisan waxa laga siistaa lacag dhan $70 doollar oo u dhigana 47,8000 Somaliland shillings, halka neefka ugu hooseeya ee loo yaqaan  jaqiiqda  oo adhiga yar yar ah la siiyo $43, taas oo  u dhiganta 294,000 Somaliland shilling ah.
Tuuggan xeeladda cajiibkaa isticmaalayey, ayaa kashifmay, kadib markii shacabka Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Shacabka dadka ku dhaqan ay in badan iswaydiiyeen cidda riyahooda xadda, kadibna sidaa lagu qabtay Tuuggaa  farsamada cusub isticmaalay. Laakiin la sii daayay, iyadoo Neefkii xoolaha ahaa ee uu watay lagu hayo xabsiga.

 

Maaha markii u horaysay ee sidan oo kale xayawaan  ay u xabisaan dhinacyada ku shaqada leh garsoorka, balse sanadkii 1998, ayaa Bakhaar ku yaala Badhtamaha Magaalada Hargeysa oo lagu xayiray amar maxkamaddeed, waxa lagu xidhay Bisad yar, taas oo mudo sanad iyo Sideed bilood markii ay ku jirtay la sii daayay. kadib markii uu Carraale M. Jamac oo ah Journalist and Human Rights Activist,  kusoo bandhigay xaaladda Bisadaa yar  waqtigaa Wargeyska Jamhuuriya sidaana loogu soo celiyay Bisadaa xoriyadeedii.kadib markii Bakhaarkii lagu jebiyay amar Madaxweynihii dalka ee xiliggaa Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *