baashe1
Hargeysa(Araweelo News Network)“Wadahadalku waxa weeyaan sidii ay nabad ugu wada noolaan lahayn, xuduudka Somaliland gorgortan ma laha, cid lagala hadlayaana ma jirto, waa xuduud calaamadaysan oo

la yaqaan, markaas xuduudka Somaliland lagama wadahadlayo, Sool iyo Sanaag lagama wadahadlayo, waxase laga wadahadlayaa sidii nabad iyo jaar wanaag loogu wada noolaan lahaa, dadkuna haddii ay daris yihiin waxay ka wadahadli karaan nabadda, laakiin xuduudka Somaliland waa lama taabtaan, amnigoodana cid looma daba fadhiisanayo,” sidaa waxa yidhi  Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo saxaafadda u waramay maanta.

Gudoomiye Baashe waxa uu ka hadlay wadahadalada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ku yeelanayaan dalka Ethiopia, wuxuuna si adag u tilmaamay in  dawladda Somaliland iyo Maamulka Puntland ka wadahadli karaan arrimo la xidhiidha nabadgelyada iyo sidii nabada loogu wada noolaan lahaa, balse aan wax gorgortan ah laga geli karin xaduudka Somaliland.

Waxa Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Wakiilladu sheegay in shacabka gobollada bariga fog ay xaq u leeyihiin inay cabashadooda sheegtaan, isla markaana helaan wax la mid ah arrimaha gobolada kale ee dalku leeyihiin, waxaannu yidhi;  “Cabashada bani’aadamku waligii way jirtaa, gobollada dhexe laftigoodu cabasho way ka jirtaa, cabasho waannu qabnaa, laakiin cabashadayadu waa mid aanu dawladda Somaliland kala hadlayno, gaar ahaan Madaxweynaha, wixii aan is leenahay way ka maqan yihiina  xaq baannu u leenahay inaannu sheegano, hebel maxaa loo siiyey oo qolodan maxay u heshay lama odhan karo, marka gobollada dhexe waa dad badan, marka qoloba qolay isku dherarisa, marka wixii naga maqan cidii nala siman baannu doonaynaa waxay heshay oo xaq u leenahay.”

Sidoo kale Guddoomiye-ku-xigeenka oo ka hadlay sababta mar labaad dib loogu doortay hoggaanka xisbiga KULMIYE, isagoo yidhi,  “Hoggaanku laba doorasho oo dalka ka dhacday ayey hoggaanka KULMIYE ahaayeen, dorashooyinkii dawladaha hoose-na iyagaa ahaa, labadaas doorashana xisbigu guul ayuu gaadhay, markaa go’aanka la isku raacay ee hoggaanka dib loogu doortay, waxa uu ahaa guusha ay labada jeerba xisbiga gaadhsiiyeen.
Ta kale, ragga xisbiga maamulaa waa rag mujaahidiin ah oo dalkan aynu joogno dhiigooda u soo huray iyagoo dhallinyaro ah oo nin kastaana darajo leeyahay. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, wax weyn ayey dalka u soo qabteen, magac iyo sharafna way ku leeyihiin dalka Somaliland, haddii hoggaanka xisbiga loo daayo in laga daba tago maaha, maalintii ay dalkan dhiiggooda u shubeen waxay haysteen shaqooyin ka wanaagsan tan ay maanta haystaan, laakiin, waxaas oo dhan waxay u sameeyeen sidii jiilka soo socda nabad ugu noolaan lahaayeen.”

Mar uu ka hadlayay khilaafka mararka badan dib u dhigay shirweynaha Kulmiye, waxa uu yidhi, “Shirkii KULMIYE waad ogaydeen guusha wanaagsan ee uu ku dhamaaday, wax kastana ha laga sheego, muddo badan dib ha u dhaco, laakiin KULMIYE ayaa sidaas ahaan jiray, ilaa muddadii uu mucaaridka ahaa iyo inta uu muxaafidka ahaaba, dooda KULMIYE sidaas ayey ahaan jirtay. Shirkii Burco (Shirkii golaha dhexe ee KULMIYE) waad ogaydeen oo sidaas ayuu kala ahaa oo dooduhu u jireen, KULMIYE waa xisbi dimuqraadi ah oo dad badan oo kala afkaar duwan ayaa ku jira, waa la is qabtaa, laakiin, caado waxa uu u leeyahay in aakhirka la isku tanaasulo, nin walibana hankii uu lahaa la laabto si loo badbaadiyo xisbiga KULMIYE, iyadoo la eegayo danta xisbiga.” Ayuu yidhi Gudoomiye Baashe.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *