Michele Cervone d

Mogadishu(Araweelo News Network)Midawga Yurub, ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya in si buuxda baadhis qoto dheer loogu sameeyo weerarkii lagu qaaday

 

xarrunta madaxtooyada Villa Somalia habeenkii Arbacadda ee toddobaadkan. Kadib markii ay soo baxday in sarkaal ka shqeeya Madaxtooyadda Villa Somalia oo lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa hawlgalkaa la qabtay isagoo dhaawac ah, isla markaana uu qirtay inuu la shaqeeyay kooxdii fulisay weerarka ee Al-shabaab.

Ergayga gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray shalay ku dalbaday in baadhis dheeraad ah lagu sameeyo qaabka weerarka madaxtooyada Soomaaliya u dhacay.

“Waxaan aad uga naxay weerarka foosha xun ee dhacay bisha barakaysan ee ramadaan oo ah bil nabad ah, Waxaan qadarinayaa, tacsina u dirayaa dadka ku naf waayey (weerarka madaxtooyada) iyagoo difaacaya hoggaanka Federaalka (Soomaaliya), waxaanan ku baaqayaa in weerarkan (madaxtooyada lagu qaaday) lagu sameeyo baadhis buuxda,” ayuu yidhi Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Dhawaaqa Midawga Yurub ayaa soo baxay ka dib markii Sarkaal madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan, isla markaana ay qaraabo dhaw yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaciisa lagu sheegay Xasan Muxuyadiin Baastoolad-weyne oo warbaahinta loo soo bandhigay, isagoo dhaawac uu qirtay inuu ahaa ninka dagaalyahannada Al-shabaab u suurtogeliyey inay gudaha u galayaan xarrunta madaxtooda.
Waxaana xabsiga loo taxaabay markaa ka Aabihii oo  imam ka ahaa masjidka madaxtooyada.

Xasan Muxiyadiin oo isagoo dhaawac ah la qabtay,  waxa warbaahinta usoo bandhigay saraakiisha Nabadsugida Somalia ee xukuumadda federaalka, waxaana la xaqiijiyay in Ninkaa oo ka shaqaynayay Madaxtooyadda Villa Somalia uu lahaa baabuur noociisu yahay Noha oo ay la socdeen ragga hubaysan ee weerarka ka fuliyey gudaha madaxtooyada. Muxiyadiin waxa uu qirtay in Al-shabaab u iibiyeen baabuurka uu watay, isagoo sidoo kale xusay inuu mushahar ahaan bishii Al-shabaab ka qaadan jiray lacag dhan $200 doollar, taas beddelkeedana uu si hoose xogta madaxtooyada u siin jiray Al-shabaab.

“Waxa la igu soo qasbay inaan gaadhigeyga ku soo qaado saddexda nin ee weerarka fulisay, waxaan ka soo gudbiyey dhowr bar control, illaa aan soo gaadhsiiyey albaabka madaxtooyada,” ayuu yidhi ninkan isagoo dhaawac ah la qabtay, isagoo sheegay inuu ku dhawaad labo sanno oo uu ka tirsanaa Al-shabaab uu wax badan ka qorsheeyay weeraro dhiig badan ku daatay, isla markaana uu xogta siin jiray ururka uu ka tirsanaa ee Al-shabaab oo xidhiidh la leh shebekada Al-Qaida.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *