Hargeysa(ANN)Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ah  Dastuuriga ah, ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwaddii u dhaxaysay Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, taas oo la xidhiidhay muran u dhexeeyay masuuliyiintaa  oo isku haystay sharciyadda awoodaha

 

Guddoomiyaha xisbigaa Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.
Dacwadan oo Maxkamadda hor-geeyay Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, waxay maxkamaddu u xukuntay inuu gudoomiyaha sharciga ah ee xisbigaasi uu yahay Madaxweynihii hore  ee Somaliland,  ahna Guddoomiyaha UDUB.  Daahir Rayaale Kaahin. Sidaana waxa fadhigii maxkamadda ee maanta kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali.
Go’aanka Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah kasoo saartay muranka sharciyada Awoodaha ee Hogaanka UDUB, ayaa  u qornaa sidan:-
“Maxkamadda sare ee Somaliland, iyada oo asbaabaha ku xusan dacwada loo soo gudbiyey iyo qodobka 10-aad xarafka B ee xeerka habka madaniga oo fasaxaya in maxkamada sare ka gar-naqdo go’aammada idaariga ah ee ka soo baxa haya’ddaha maamul ee dawlada oo lala akhriyo qodobka 29 ee xeerka wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasiga ah ee jamhuuriyada Somaliland iyo xeerka guud ee xisbiga UDUB,  waxay maxkamadu soo saartay xukunkan hoos ku qoran:-
1. Waxay maxkamada Sare diiday asbaabta racfaanka racfaanlaha Axmed Yuusuf Yaasiin ee ku taariikhaysan 21/04/2012 iyo dood afeedkii qareenka u doodayey.
2. Waxay ogolaatay jawaab celinta asbaabta racfaanka racfaansane gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo dood afeedkii qareenkiisa iyo jawaab celinta ku taariikhaysan 09/05/2012.
3. Maxkamaddu waxay ayiday go’aanka Guddida Diiwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka ee sumadiisu tahay GD/S110/2012 kuna taariikhaysan 17/04/2012
4. Waxay ku kordhisay maxkamaddu in warqada sumadeedu tahay tixraac GXUDUB-001-2011,  ee ku taariikhaysan 03/10/2011,  iyada oo maxkamaddu ku kordhisay in warqadaasi leedahay ku dhaqan sharci,  taas oo uu soo diray gudoomiyaha xisbiga UDUB. Daahir Rayeele Kaahin ujeedadeeduna ahayd soo xulista guddida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Udub, guddidaas oo tiradoodu ahayd 35 xubnood oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed yuusuf Yaasiin waxay yeelanaysaa ku dhaqan sharci waxqabadyadii warqadaas ama igmashadaas lagu saleeyey ee ku soo baxay haddii la raacay oo lagu dhaqmay nuxurka iyo ujeedada warqadaas ku qornaa.
wax ka bedelka iyo soo jeedinta xeerka xisbiga UDUB,  waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 1-aad iyo 2aad ee xeerka guud ee xisbiga UDUB, sidoo kale wax ka bedelka xeerku waxa uu ku ansaxayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 3aad ee shirweynaha xisbiga UDUB.
5. Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay 29/05/2012.”
Xukunkani wuxuu meesha ka saarayaa Murashaxnimadii madaxtinimadda ee xisbiga UDUB ee Jamaal Cali Xuseen uu garabka Axmed Yuusuf Yaasiin u doorteen murashaxa xisbigaasi. taas oo sabab u ahayd muranka iyo khilaafka maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ka garnaqday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *