Muslimiinta walaaloobay ee Ikhwaan Musilimiinka dalka Masar oo ah Ururka ugu balaadhan, isla markaana ugu mudada dheer Ururada diiniga ah ee ka jira dunida Islaamka ayaa markii u horaysay taariikhda dalka Masar ku guulaystay xukunka doorashadii ugu horaysayee
si dumuqraadi ah loo doorto hogaamiye Madaxweyne ka noqda dalka Masar.
Akhwaan Muslimiinka dalka Masar oo mudo ka badan sagaashan sanadood ku hamiyay in ay mar xukunka gacanta ku dhigaan, waxay ridaya hadafkooda ku guulaysteen kal hore markii dalka Masar oo taariikhda markii u horaysay la qabtay doorashooyin si xor ah loo doornayo hogaanka dalka, waxaana doorashadaa ku guulaystay Madaxweyne Musri oo ahaa musharaxa Ururka Ikhwaanu Muslimiin.
Inkasta oo Mursi uu noqday hogaamiyaha musharaxa u ahaa Ururkaa ee sida sharciga ah ugu guulaystay doorashada Taariikiihiga ah ee dalka Masar ka dhacday May 2012, isagoo 52% helay codadka la bixiyay, hadana guusha doorashada iyo Madaxweynimada Musri xukunka kula wareegay 30 june 2012, waxay noqotay mid cimri gaaban oo si lama filaan ah ugu dhamaatay 3 july 2013. Kadib markii Milateriga dalka Masar xukunka dalka Inqilaab kula wareegay wax ka yar laba todobaad markii mudaharaadyo lagu diidan yahay loogu baaqay inuu xukunka ka dego.
Muḥammad Mursī, waxa si lama filaan ah xukunka uga tuuray Milateriga dalka Masar, kuwaas oo inqilaabkooda ku macneeyay mid lagu badbaadinayay dalka, balse talaabada Milateriga waxa ka cadhooday Tageerayaasha Madaxweyne Mursi kadib markii Milaterigu si cad u sheegeen inay xukunka la waregeen, isla markaana xabsiga loo taxaabay Madaxweynihii, waxaana dalka Masar mar kale ka bilaabmay mudaharaadyo waaweyn oo si weyn usoo jiitay indha beesha caalamka, balse dublamaasiyiin ka socday dalalka ugu waaweyn dunida, wadamo carbeed iyo kuwo Afrikaan ah oo isaga dab qaadayay dhawr todobaad xukuumadda Milateriga ah iyo taageerayaasha Mursi ayaa ku guuldaraystay in xal loo helo khilaafka sii socda ee dalka Masar oo noqday mid loo maarawaayay.
Madaxweyne Mursi wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Masar si dumuqraadi ah loo doorto, balse xukunka hayay mudo hal sano oo keliya ah, isla markaana xabsiga loo taxaabo.
Su’aasha ralyal-caamka bulshada Somaliland is weydiinyaan waxay tahay maxay dhacdooyinka siyaasadeed ee Somaliland iyo Masar wadaagaan, haddii Madaxweyne Mursi kasoo jeedo muslimiinta walaaloobay ee Masar oo ku dhowaad sagaashan sanadood ka hor laga sameeyay Masar, isla markaana faracyo ku yeeshay dunida Islaamka oo dhan, waxa muuqaal ay wadaagaan dhacdooyinka siyaasadeed ee Masar iyo kuwa ka socda Somaliland.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Musri ayay dhacdooyinkaasi siyaabo kala duwan muuqaalo uga bixinayaan, tusaale ahaan Madaxweyne Siilaanyo oo ah hogaamiye siyaasi halgaama ah, wuxuu xukunka ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee ka dhacday Somaliland 2010, wuxuuna xukunka la wareegay 27 july 2010.
Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo oo si dumuqraadi ah loo soo doortay waxa tan iyo markii uu soo dhisay xukuumaddiisa sanad ka dib isa soo tarayay muuqaal dadka qaar ku sifeeyeen inqilaab dahsoon oo kooxaha wadaada ee saaxiibada muslimiinta walaaloobay ee Musri firqooyinkooda Somaliland ee ku taamayay in ay mar uu xukunka gacanta ku dhigaan ku yeesheen awood talada siyaasada iyo hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo.
Kooxda wadaadada Ikhwaan Muslimiin ee ka jira dalka Masar waxay faracyo ku leeyihiin dunida Islaamka oo dhan, Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ahmiyada weyn ay ka leeyihiin dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan inay raad ku yeeshaan, waxaana ku dhowaad Afartan sanadood ka hor xiligii dawladii digteytarka ahayd ee Somalia geeska afrika si qarsoodi ah looga yagleeyay faracyadii Ururka Ikhawaan muslimiin, balse muu helin xiligaa fursad oo ku koro fekerka Ikhaawaanku halkan.
Somaliland kooxaha wadaada ay mabaadiida wadaagaan Ikhawaanta dalka Masar, waxay si weyn u dhexgaleen siyaasada, kuwaas oo saamayn ku yeeshay dhaqalaaha iyo siyaasada dalka tan iyo markii ay Somaliland qaadatay nidaamka xisbiyada badan, waxayna kooxdani si weyn uga dhex muuqatay markii u horaysay saaxada siyaasada xiligii madaxweye Siilaanyo ku dhawaaqay xisbigiisa dhawr iyo toban sandood ka hor.
Xisbiga Kulmiye oo mudo dheer ahaa Xisbiga ugu balaadhan ee ugu awooda badan axsaabta mucaaradka Somaliland, ama lagu tilmaami jiray xisbi qaab dhismeedkiisu ku fadhiyo sees adag oo ka kooban marka si guud loo eego Koox Saraakiil Milateri oo ka mid ahaa kuwii ay mudada dheer soo wada halgameen Madaxweyne Siilaanyo xiligii sideetanaadkii ilaa sagaashanaadkii markii la xoreeyay Somaliland, Koox quraba-joog ah oo inta badan taageerada ugu badan ee dhaqaalaha la daba taagnaa iyo koox wadaado ah oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan mar walba saamayn ku lahaa xisbiga dhexdiisa.
Waxayna kooxda wadaadadu noqdeen kooxda ugu awooda badan xisbiga markii la gaadhay guushii doorashada madaxtooyadda Somaliland ee 26 Jun 2010, taas la rumaysan yahay inay sabab u noqtay in ay daaqada ka saaraan xisbigii uu Madaxweyne Siilaanyo kasoo jeeday ee Kulmiye, isla markaana kooxda oo ka faa’idaysnay awooda xukunka , saamaynta ay ku leeyihiin siyaasada go’aamada Madaxweyne Siilaano iyo dhaqaalaha ay gacanta ku hayaan, ayaa dhowaan si badheedh ah u bilaabay inay loolan ka bilaabaan xisbiga Kulmiye dhexdiisa, taas oo si weyn looga dareemayay saaxada siyaasada siyaasada Somaliland hankooda siyaasadeed iyo sida ugu badheedhsan yihiin inay la wareegaan hogaanka xisbiga, isla markaana daaqada uga saaraan Kornaylada keligood ku hadhay xisbiga ee gidaarka lagaga xidhay guusha xisbiga Kulmiye.
Marka la eego dhacdooyinka muqaalada siyaasadeed ee Is shabaha Somaliland iyo Masar iyo waxayaabaha ay wadaagaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Mursi, waxa la odhan karaa kooxda wadaada ah ee Ikhwaan Muslimiinka Masar waxay waayeen Madaxweynohoodii oo MIlateri Inqilaabay, waana sababta ay u diideeen inay ka dareeraan goobaha ay isugu soo baxeen bil ka hor, taas oo sababtay in ciidamada Milateriga cagta nariyaan boqlaal shacab ah oo ka mudaharaadayay talaabada ciidamada Milaterigu ku inqilaabeen Madaxweynihii u horeeyay taariikhda dalka Masar ee si dumuqraadi ah loo doorto.
Sidoo kale dhacdooyinka siyaasadeed ee ay wadaagaan, amma is shabaha oo ka muuqda masraxa siyaasada ee Masar iyo Somaliland, ama Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Masar.
Inkasta oo xaalada siyaasadeed ee Somaliland ka duwantahay ta ka taagan Masar oo ay Somaliland nabdoontahay, isla markaana aanu ka jirin qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon, haddana waxa ay Shacbiga Somaliland is weydiinayaan sababta ay kooxda wadadaada awooda badan ee isku hadafka yihiin muslimiinta walaaloobay ee Masar ugu suurta gashay inay inqilaab qarsoon ku sameeyaan talada iyo awooda Madaxweynihii shacbiga Somaliland doortay.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Masar Maxamed Mursi, waxay wadaagaan astaamo iyo dhacdooyin siyaasadeed oo meelaha qaar ka xidhidhan, Mursi waa Madaxweyne la doortay oo kasoo jeeda Ikhwaan Muslimiinka, balse afgenbi Milateri xukunka lagaga tuuray, laakiin Madaxweyne Siilaanyo waa Madaxweyne shacbigii sida xorta u doortay is weydiinayaan sababta ay kooxda awooda badan ee saaxiibada Al-islaax ee ay isku hadafka yihiin kooxda Muslimiinta walaaloobay ee Masar saamaynta weyn ugu yeesheen talada iyo awooda xukunka Madaxweyne Siilaanyo, taas oo muqaal ahaan ka dhigtay xukuumadda Madaxweyne Siilanyo mid u afduuban kooxda awooda badan ee kusii fidaya xukunka, isla markaana xiliggan u xul duuban sidii ay hogaanka xisbiga Kulmiye ula wareegi lahaayeen, iyagoo adeegsanaya dhaqaalaha dalka iyo awooda xilallka ay hayaan, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay sabab u noqdeen mucaaradada sii xoogaysanay ee ku waajahan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Xusuus falanqaynta lagu faaqiday mawduucan, waxa hore loo baahiyay Monday, 12 August 2013, balse waxa mar kale dib loogu daabacay codsi ka yimi akhristayaasha shebekadda Araweelonews.com iyo qaybaha bulshada Somaliland ee la socda siyaasada gobolka geeska Afrika iyo Mandaqada.
By. Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
jaamac132@gmail.com