dadweynaha dhulkaasi sii hadal hayaan ujeedadiisa,saamayntiisa iyo natiijadiisaba.
Socdaalka Wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa ku dhawaad kala badh masuulyiinta dawladdiisa , ayaa marka horeba mid aad loogasii baaraan degey, Hargeysana lagaga reebay qodax kasta oo waxyeeleyn karta socodaalka Madaxweynaha iyo wafdigiisa inta ay joogaan goboladaasi.
Waxay maxkamad milatari xukunno dil iyo xabsiyo dheerba ku xukuntay rag loo haystay
inay ka dambeeyeen dilakii Saameel iyo kalabaydh,waxaana Hargeysa lagaga yimi siyaasiyiin iyo masuulyiin ka tirsan xukuumadda oo kasoo kala jeeda Deegaamada Bariga iyo galbeedka dalka,kuwaas oo qaybo ka mid ah dadweynaha gobolkani aaminsayihiin inay yihiin kuwa nacayb siyaasadeed iyo mid deegaan u hayaan sida wasiirada duulista, Ciyaaraha , Degaanka iyo Miyiga, Guddoomiyaha KuLmiye, wasiirka dibudejinta oo ay aaminsayihiin inuu tolkii oo reer Jabuuti ah dhulkooda soo dejinayo iyo qaar ka mid ah masuulyiinta reer Awdal oo lagu bartay hadallo xaalad abuur ah iyo iska horkeenka beelaha reer Awdal,isagoo dhinaca kalena Madaxweyne Siilaanyo wafdgisa kusooa darsaday masuulyiin ay aaminsanyihiin inay abaal u galeen markii ay dhacday dawladii ay codka siiyeen ee UDUB,kuwaas oo laga xusuusan karo Wasiirka madaxtooyada oo kala gaadhay waqti beelaha reer Awdal isku dhici gaadheen iyo grumadkii degdegga ahaa ee uu ka geystay markii u dhacay dilkii saameel.
waxa kale oo ka mid ahaa wasiirka daakhiliga oo ay isku wanaagsanaayeen dawladii Rayaale,halka wafdiga Madaxweynaha ay ka mid ahaayeen xildhibeenadii la dhegeysan jiray bilihii kala guurka, sida Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo safka hore kaga jiray soo dhaweynta Madaxweynaha, dhinaca kalena dadweynaha iyo hay’adda ASERDA ayaa iskood u abaabulay soo dhaweynta Madaxweynaha maadaamna badhsaabkii gobolku,Cabdoo Aayir gobolka u fasax caafimaad ugu maqanyahay dalka debeddiisa.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa laba maalmood kusoo dhammaystiray kudhawaad 1000 kiiloomitir dhulbaaxaddisu gaadhayo maadaama ay wateen gaadiid cusub oo u adkaystay hawada qalalan iyo jidadka naxariista daran ee isku xidha degmooyinkaasi xeebaha galbeedka .Guud ahaan dhulkii iyo
degmooyinkii ay marayeen ayaan wafdiga Madaxweynaha lagala hor iman wax ka nixiya, wuxuuna la kulmayay meel walba wax ka farxiyana oo loosoo bandhigayey intii u marayey goboladaa iyo deegamadaa, kuwaas oo mar ahaan jiray kuwa dadweynaha ku nooli aaminsanaayeen in
Madaxweynenimada Axmed Siilaanyo ee dalku tahay bilowga belaayo iyo burbur
kusoo fooll leh,sidaa arteedna shaki badani kala dhex yaallay.
Sidoo kale ayaa wafdiga Madaxweynuhu kusoo dhex dhacay wakhti gobolka lagaga dhawaaqay
bannanbaxyo ka dhan dawladiisa oo Suldaan ka mid ah salaadiintu kaga dhawaaqay Lughaya ,Natiijadiina noqotay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa lagasoo dhaweeyey Lughaya, isla maalintii khamiistii loo ballansanaa bannaanbaxyadaasi,iska dhaaf bannaanbaxyo lagala hor yimaaddee Saylicigii iyo Ciyaartii lagusoo dhaweeyey ayaa Reer Awdal ku barteen daawashada TVga qaranka oo ay Awal iska xidhi jireen daawashadiisa.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo hoos u dhigay sheeg sheegista Arrimaha reer Awdal iyo Selel uga shakisanyihiin xukuumadda KULMIYE, ayaa aakhirataankii degmada Lughaya dhigay dhagax an u malaynayo inuu ahaa dhagaxii ugu qiimaha badnaa ee abid Madaxweyne dhigo gobolka awdal,loona sheegay inuu yahay dhagaxa Deked yar oo doonyaha kallumaysigu ku xidhan karaan,iskaraabka markab halkaasi kusoo caaryey wakhtigii Rayaalena goo-goostaan .dhagaxaasoo xitaa reer Awdal illawsiiyey dhagaxyadii Madaxweynuhu dhigay jidadka isku xidhi doona Lawyacaddo iyo Boorama laguna qiyaaso dhererka jidka iyo Ceerigaabo ee haatan dhismihiisa loo raray qalabka xoogga leh iyo kan burburay ee u dhexeeya Kalabaydh iyo Dila Ugu dambayntiina iyadoo an lasoao koobi karayn raadadka socdaalka Madaxweyne siilaanyo socdaalksii gobolada galbeedka kaga tegeen dadweynaha dhulkaasi ayaa waxan kasoao qaadanaynaa raad oo keliya waa tan koowaade jihada siyaasadeed ee badi dadweynaha reer Awdal oo derejada 180 digree u leexatay taageerada Xukuumadda oo sababtay in sawirada Madaxweynaha qaarkood ku dhejiyaan meheradahooda iyo gaadiidkooda, taasoo awal lala yaabi jiray, waa tan labaade reer Awdal oo badi garawsaday in taageeradii ay siin jireen xukuumaddii UDUB ay ahayd mid ka fog wadaninimada iyo horumarka.Culimadii iyo wadaadadii masaajidyada Boorama ka eedeyn jiray xukuumadda oo joojiyey khudbadihii dhiifta lahaa.
Raadka Afraad oo an odhan karo wuxu ahaa guluf siyaasadeed oo ku kasbaday badi dadweynaha
goboladaasi, taas oo xisbiyada mucaaradka ugu kici doonta qiime aad u sarreeya hadiiba ay isku dayeen inay kula loolamaan doorashooyinka mustaqablka.
Maxamed Cumar Sheekh—Wargeyska Saxafi