Hargeysa(ANN)Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay war kusoo baxay maanta wargeyska Haatuf ee kasoo baxa magaalada hargeysa, kaas oo wargeysku ku sheegayay in taliska guud ee Booliska uu hadheeyay
Musuqmaasuq baahsan oo sababay in ciidamada Booliska ee gobolka Sool ay waayaan daryeelkii ay u baahnaayeen.
Gen. Cilmi oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in warkaasi ahaa mid aanay waxba ka jirin oo uu been abuuray wargeysku, isagoo ku tilmaamay wargeyska Haatuf si kulul u eedeeyay, isla markaana ku sifeeyay inuu caadaystay inuu faro geliyo oo uu been ka sheego ciidamadda Somaliland.
Gen. Cilmi Kabaal waxa uu soo dhaweeyay xukunkii shalay ay maxkamadda ciidamada ee darajada koowaad ku xukuntay 33 askari oo amar la’aan kaga soo baxay fadhiisimadoodii Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo soo galay magaalada Hargeysa oo hore looga bedelay. Wuxuuna sheegay inay sameeyeen dhaqan ka baxsan asluubta ciidannimo.
Sidoo kale Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa oo ka hadlay shirkaa jaraa’id wuxuuna ku dooday inay Hay’adda sharciga horgeynayaan dacwad ka dhan ah wargeyska Haatuf, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka doonayaan inuu caddeeyo musuqmaasuqa ay sheegeen inuu ka jiro taliska guud ee Booliska Somaliland. Wuxuuna arrinataa ku tilmaamay mid ujeedo gaar ah laga leeyahay oo la doonayo in lagu dhaawaco sumcada iyo karaamada masuuliyiinta hogaanka ciidanka Booliska Somaliland
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com