Landon (Araweelo News Network) Madxaweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo socodaal ku marayay dalalka France iyo Brittan labadii todobaad ee u danbeeyey ayaa la filyaa in uu kusoo
laabto dalka maalmaha soo socda .sidaana waxa shebekada wararka ee Arraweelo News u sheegey dad ku dhawdhow waftiga Madxaweynaha Soomaliland oo maalimihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada London ee xarunta wadanka Britan .
Wararka la xidhiidh safarka Madxaweynaha ayaa tibaaxaya in fasixiisa oo ahaa mudo bila oo ay u qorsheysanad in uu ku soo qaato magaaloyinka London iyo Paris, isagaa warbaahinta u sheegey ka hor intii aanu ka anbabixin laba todobaad ka hor magaalad Hargeysa in u jeedada socodaalkisu yahay fasixiisii sannad laha ahaa, isla markaana uga faa,iideysanyo in uu soo maro dhowr wadan oo uu hawalo qaran iyo hawlo caafimad oo shaqsi u tagyo
Hasayeeshe Madxaweyne Siilaanyo ayaa la filyaa in uu soo gabgabeeyo u jeedada safarkiisa ka dib markii uu soo baxay khilaaf hor leh oo mar kale gollaha wakiilada dib uga bilowdey, kaas oo ka dhashay inqilaab sharciyaysan oo gudaamiyaha gollaha wakiiladu ku sameeyey hogaaminta golaha ee shir gudoonka .ka diba markii uu ka ansixiyey xeer hoosadka golaha oo is bedel lagu sameyey .kaas oo meesha ka saaraya awoodda hogmineed ee labada ku xigeen ee shir gudoonka baarlamaanka, isla markaana awooddii gollaha iyo hogaamintisii ku ururiyey gudoomiyah golaah Abdirahman Cirro , oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee wadani .waxayna wararka la xidhiidh ujeedada sababta MadxaweyneSiilaanyo u soo gabgabeeyey safarkiisa ay sheegayan in ay sabab u yihiin arrimaahaa iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin khilaafka xisbiga kulmiye oo hore Madxaweynuhu guddi u ugu saaray intii aanu dalka ka anbo bixin .balse aan wali wax natiijo ah laga gaadhin.
Madxaweynah Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo intii uu ku sugnaa dalka farnsiiska wuxuu la kulmay diblumansiyiin .masuuliyiin ka tirsan dawlada faransiska iyo qaar ka mid madxada shirkadaha waaweyn ee dalkaa. Sidoo kale wuxuu intii uu ku suganaa magaalada London booqaday isbitaal ku yaal Liverpool oo uu ku jiray walaalkii Jaamac Bureeqa oo ka mid ahaa Odayaashii halganka oo degan halkaaas,balse ma cada in Madxweynuhu la kulmay dhakhtarkisii oo uu sheegey in uu soo marayo, waxase wararka la xidhiidh safarkiisu ay xaqiijinayaan in uu maalinta khamiista ee todobaadkan ku soo laabandoono dalka ,
Axlaam Maxamed
araweelonews01@gmail.com