Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Dahir Rayale Kaahin, isla markaana ahaa Madaxweynihii dhowaan laga guulaystay doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa maanta magaalda Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Dawladda Ethiopia Mudane Meles Zenawi iyo madaxweynaha Ethiopia Girma Woldegiorgis. Sidaana waxa
lagu sheegay qoraal kooban oo uu magaalada hargeysa kasoo saaray gudoomiyaha xafiiska siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax
Qoraalka waxa lagu sheegay inay xukuumada Ethopia uga mahad uga celiyeen madaxweynhii Hore hir gelinta Demoqraadiyada Somaliland iyo sidii qiimaha lahayd ee uu xilka ugu wareejiyey dawladda cusub, taas oo ahayd mid dalka ka badbaadisay xasilooni daro baahda. Waxay ku tilmaameen doorashadii Somaliland mid ku dayasho mudan, oo Afrika ay Somaliland ku soo kordhisay. Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Iyadoo uu Mr. Daahir Rayaale Madaxweynihii hore uga mahad celieyey xidhiidhkii iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo ah saaxiibtinimo dhow oo sokeeye ah, waxuna u rajeeyey inay xidhiidhkaa halkiisa kala sii wadaan dawladda cusub, Ethiopiana noqoto wado Somaliland u marto xidhiidhka caalamka. Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi waxu u ballan qaaday inay xidhiidhka halkiisii ka sii wadayaan, wada shaqayna la yeelanayaan Dawladda Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) Waxa kulnkaa kula wehelieyey saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga,
1. Abdillahi Mohamed Ducaale (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada)
2. Axmed Mohamed Ciise ( Xoghayihii hore ee madaxweynaha) sida uu qoraalkaa ku sheegay gudoomiyaha xafiiska siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax.
War saxaafadeedka ayaa si dadban waxba kama jiraan uga dhigaya warar shebekada hadhwanaag lagu baahiyay oo sheegaya in kulanka gudoomiyaha UDUb ee Adis-ababa ay ku weheliyeen wasiirkii hore ee macdanta iyo Biyaha Cismaan iyo Maaliyada Cawil, iyadoo warkaa la geliyay sawiro waqti hore oo ay ka muuqdaan xubno ka mid ah golihii wasiirada ee Rayaale, balse qoraalka kulankaa kadib uu saaray oo isagu ku sugan hargeysa gudoomiyaha siyaasada ee UDUB waxa lagu sheegay in kulankaa Madaxweynihii hore ay ku weheliyeen wasiirkii hore ee arrimaha debeda iyo xoghayihiisii.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380