Muj Xasan Guure

Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha siyaasiyiinta la baxay Maddasha Wadda-tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan  Guure Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo

 

in uu musharaxnimada doorashada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye ugu abaalgudo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u tagaan jagada madaxweynaha marka la gaadho shirweynaha Xisbiga.

Xasan Guure oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, waxa uu ka hadlay musharaxnimadda uu Todobaadkii hore shaaciyay Guddoomiyaha  Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, taas oo uu ku tilmaamay Xasan Guure in  ay tahay mid uu xaq u leeyahay Muuse. sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu uga tanaasulo Muuse Biixi loolanka Madaxtnimadda Dalka oo uu  is-garab taago, maadaa uu halgan dheer Muuse Biixi u soo galay sidii Madaxweyne Siilaanyo u qaban-lahaa Hoggaaminta taladda Dalka.

Gudoomiyaha siyaasiyiinta la baxay maddasha-toosinta iyo wadatashiga oo ka hadlaya arrintaa, waxa uu yidhi, “Muuse Xaq-buu u leeyahay inu isa-sharaxo sidda Qof kasta oo Muwaadin ahi xaq ugu leeyahay iyo Qof kasta oo Xisbiga ka mid ah la dooran karo isna wax doorran-karo. Xaq ayuu  u leeyahay Musharaxnimaddiisa “

Xasan Guure waxa uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi uu halgan Siyaasadeed oo waayo kala duwan xambaarsanaa la soo galay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo yidhi, “Muuse Biixi 2003-dii Axmed Siilaanyo (Madaxweynaha) wuu dhisay, aasaasihii Xisbiga la aasasay-buu ahaa, berigii dhaweyd-na Naf iyo Maal-ba wuu ku taageeray, Codka ugu badana wuu u keenay, Kursiga uu ku fadhiyo Madaxweyne Siilaanyo Muuse Biixi-baa Libtiisa lahaa iyo Ragii la midka ahaa. Ragii Muuse Biixi-baa ka hadhay Maxamed Xaashina waa-kii ka baxay”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha siyaasiyiinta Maddasha waddatashiga, waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi aanay u sinayn taageerada, isagoo yidhi, “Maanta labadooda waxa Xaq  u leh Muuse in la Taageero, waxaan leeyaahay Madaxweyne Siilaanyo Abaalka mar uun  gud oo Ninkaa aad saaxiibka tihiin ee ilaa Jabhaddii ku soo garab-taagnaa taageer, Madaxweynahana waxaan leeyaahay mar uun Abaalka gud laguguma aqoone. Maanta Muuse uga tanaasul weliba ku dhis”ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure Jaamac.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *