silanyo2
Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa  xilkii uu qaranka u hayay  ka qaaday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha

 

Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), wuxuuna u magcaabay xilkaa Dr. Jaamac Maxamed Odowaa inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kaas lagu amray Wasiirka Xanaanada xoolaha inuu si deg deg ah labadaa masuuul xilka ugu kala wareejiyo.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyada ayaa lagu yidhi sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaas u magacaabay Agaasime cusub.

Madaxweynuhu markuu arkay qoddobka 90aad, faqradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Markuu tixgeliyey ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka. Markuu in baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu la tashaday madaxda ay khusayso. Markuu ku qancay inuu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan.

Wuxuu go’aansaday in Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu ku yidhi madaxweynuhu digreetadiisa xil-ka-qaadista ah.

Waxa kale oo madaxweyne Siilaanyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne) ku wargeliyey in laga qaaday xilkii uu qaranka u hayey, waxaanu yidhi madaxweynuhu; “Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL,” ayaa lagu soo gunnaanaday warsaxaafadeedka uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, balse lagu xusin sababta xilka looga qaaday Agaasimaha hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *