Gebilay(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu d(Siilaanyo) ayaa ku negaaday magaalada Gebilay, kadib safar uu saaka ku tegey halkaa oo u jeedadiisu ahayd inuu ka qayb galo munaasibad loo qabtay
waxaana jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley isugu soo baxay kumanaan dadweynaha deegaanka, kuwaas oo hareeraha wadooyinka lulalay calanka Somaliland, Ubaxyo iyo boodhadh ay ku xardheen halku dhegyo loogu muujinayo Madaxweynaha dareen farxadeed, taas oo sababtay in madaxweynuhu ku hakado, isagoo Khudbado kooban ka jeediyay Dooxa weyn ee Arabsiyo oo ay boqolaal dadka reer Arabsiyo ee Beeralayda ahi buuxiyeen.
Madaxweyne Siilaanyo markii uu gaadhay magaalada gebilay oo dadweynuhu laamiyada hareerohooda u ruxayeen calamo iyo Ubax, wuxuu socod Lug ah ku dhex maray jidka weyn ee magaalada Gebiley isaga oo ku faraxsanaa sida weyn ee loo soo dhoweeyay.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu markaa ka dib ka qaybgalay munaasibda loo qabtay dafcadii u horaysay ee Ardayda dhamaysatay waxbarashada Jaamacadda Timacadde, isagoo qudbad u kooban oo mahad celin ah halkaa ka jeediyay.
Geesta kale Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa la filayaa inay caawa ku negaadaan halkaa, iyadoo la dejiyay wefdiga Madaxweynaha dhisme loogu talagalay Martida, kaas oo wararka qaar sheegayaan in uu kulamo la yeelanayo Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, balse lama ogga in wefdiga Madaxweynuhu deegaamo kale usii dhaafayaan halkaa iyo inay marka ay dhamaato booqashadoodu kusoo laabanayaan Hargeysa.
Wixii kaso kordha socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa kala soco shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com