London(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan go’aamaddii kasoo baxay shirka London ee arrimaha Somalia. sidoo kalena ay soo dhowaynayaan wadahadal ay yeeshaan Somaliland iyo Somlaia.
Madaxweyne Siilaanyo oo caawa Idaacada VOA ee laanta Af-soomaaliga waraysi kooban ka siiyay shirkaa, ayaa sheegay inuu shirkaasi kor u qaaday Milgaha Somaliland. kadib markii la sesiiyay Somaliland fadhi gaara iyo fursad ay hadal kaga jeediyaan, taas oo sida uu xusay ka dhalatay wadahadalo iyo kulamo ay la yesheen madaxda dawladda Britain.
“Waxaanu qabnaa inay shirkaa qadiyada Somaliland hore ugu martay oo wax weyn dunida u muujisay’ ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, mar la weydiiyay sida ay wada hadalada ay yeelanayaan Somaliland iyo Somalia qaabka ay noqonayaan iyo inay London ku kulmeen wuxuuna yidhi, “anagu waxanu qabnaa sida dunidu u tidhi in loo wada hadlo oo ah, laba dawladood oo masaalix iyo dano ka dhexeeyaan oo laba dawladood u wada hadalo sidaa beesha caalamkaba sheegtay, anaga qorshaha nooguma jirto sidii midnimada Soomaaliya loo soo celin lahaa ee waxaana qorshaha noogu jirta sidii loo wada noolaan lahaa ee maslaxad iyo nabadgelyo loo samayn lahaa ayaa qorshaha noogu jirta.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Dhinaca Kulan bishan Feb. 22dii 2012 dhex maray Xoghayaha Arr. Dibadda Britian iyo Madaxweynaha JSL ayaa isla soo qaaday habka ugu fudud ee looga jibo keenayo hawlsha aqoonsiga JSL .Labada dal ama dawladood ayaa waxay isku af garteen sida lagu qoray warbixinta dawldda Britain  kasoo saaray kulankaas, ayaa lagu sheegay  in JSL  laga caawiyo labada  dhinac  ee ganacsiga iyo dibloomaasiyadda .
Sidoo kale arrimaha   ganacsiga waxay Dawladda Britain  damaanad qaaday xagga caymiska oo ay siin doonto sharikadaha waaweyn ee dalka ganacsiga ka bilaabiya sida wax soo saarka macdanta oo kale iyo inay JSL Bangiyada adduunka la sameeyso xidhiidh ganacsi ( LC ), taas oo loo sameeyay xafiis cusub oo arrintaas qaabilsan oo ay hawshiisana wadi doonaan Khubaro u dhashay Daléka Britain. Kuwaas oo isugu jiri doona Looyaro iyo dibloomasiyiin.
Iyadoo Dhinaca Dibloomaasiyadda. Waxa dalka Britain ka caawin doonaa JSL inay helsho xidhiidho cusub oo dhex mara JSL iyo dalalka cusub. Waxaanay durtaba ka codsadeen dawladda Qadar inay wax lala qabato JSL. Waxaana jiray kulan dhex maray Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha. Waxa kale oo dhawan iman doona JSL wufuud ka socota dalka Qatar, Turkey iyo dalal badan oo ka tirsan Barwaqo-Sooranka ( Commen Wealth ). Kuwaas oo uu ka dhex shaqeeyay Ingiriisku.
Hase yeeshee xoggo  kale oo dhinaca Dublamaasiyada ah ayaa sheegaya Britain  u wakiilatay  dalka Qatar wada-hadal dhex mara Somaliland  iyo Somalia sida uu dhigayo qodobka 6aad go’aamadii shirka London ee Somalia. laakiin tibaaxaha qaar ayaa sheegaya inay suurta gal tahay  in wadahadalkaa kadib ay meesha timaado  afti kale oo laga qaado ummadda Reer Somaliland, taas oo markhaati ka noqonayso beelsha caalamku, isla markaana aftidaa lagu xaqiijiyo mar kale gooni isu taaga Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *