Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa gaashaanka ku dhugtay Xubin Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee

 

WADDANI u gudbiyay si loogu daro xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Qoraal Saxafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada oo ku taariikhaysan 06/10/2014, isla markaana lagu socodsiiyay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa u qoraan sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Ujeeddo Madaxweye:        Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudane Guddoomiye,

Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan 02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahay Xisbiga WADDANI.

Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rajaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha Xeer Lr.20/2001 uu tilmaamay.” Ayaa lagu yidhi Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *