lughaya2Berbera(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo weftigii balaadhan oo uu hogaaminayey ayaa caawa gaadhay Magaalada Berbera ee

 

xarunta gobolka Saaxil kadib markii maanta duhurnimadii si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Dekedda ah ee Lughaya.

lughaya1
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhagax dhigay mashruuca dhismaha Deked cusub oo magaalada Lughaya laga dhisi doono, wuxuuna  isagoo meel fagaare ah kala hadlayay dadweynaha degmadaa u ballanqaaday in ay xukuumadiisu cid kasta oo ay kaashadaanba ay bilaabi doonto dhismaha dekeddaasi, isla markaana ay wax kasta oo awoodooda ah la qaban doonaan dadweynaha degmadaa.

llughaya3Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa  ka dhegaystay bulshada Lugahaye warbixino ay kaga hadlayeen xaaladda nololeed iyo waxyaabaha ay tabanayaan deegaan ahaan, iyagoo waxgaradkii halkaa ka hadlay ay ballan-qaadeen inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dhismaha dekeda uu Madaxweynuhu dhigay dhagaxeedii u horeeyey ee laga yagleeli lahaa.

Wefdiga Madaxweynaha oo sii maray deegaamada dhinaca xeebta ee Bulaxaar iyo meelo kale ayaa caawa ku hoyday Magaalada berbera, iyadoo la filayo in Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdiga ku weheliya socdaalkiisu uga sii gudbaan dhinaca Bariga ee Xeebaha gobolka Sanaag ilaa magaalada Ceergaabo.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *