berberamadaxweyne silanyo2Berbera(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku guda jira safar uu ku marayo gobolada dalka ayaa maanta Masjidka Khaalid Binu Waliid ee

 

Magaalada Berbera kula tukaday Salaadii Jimacaha.
berberamadaxweyne silanyo1Madaxweynaha oo aanay la socon ciidamada ilaaladiisa ayaa salaadii Jimacaha oo uu boqolaal qof kula tukaday Masjidka Khaalid Binu Waliid ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxaana ku weheliyay halkaa Masuuliyiinta wefdiga Madaxweynaha iyo Madaxda gobolka iyo Degmada, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo oo aan wadan wax ilaalo ah ay kusoo xoomeen kumaan qof oo ka mid ah dadweynaha Magaalada Berbera, kuwaas oo si weyn ugu farxay in ay arkaan Madaxweynehooda oo aan wadan wax ilaalo ah oo si kalsooni ah kula tukaday salaadii Jimacaha.

berberamadaxweyne silanyo2berberamadaxweyne silanyo1
Khadiibka Masjidka Khaalid Binu Waliid oo ah Sheekh Suleebaan Siciid Cali, isla markaana ah Isu-duwaha Wasaaradda Diinta Awqaafta ee Gobolka Saaxil ayaa khudbadii Jimacaha kusoo qaatay waxyaabo badan ay dadka geliyay khushuuc.

berberamadaxweynesilanyo3berberamadaxweynesilanyo4
Madaxweyne Siilaanyo oo safar ku marayay maalmahan gobolada dalka gaar ahaan dhinaca galbeedka Somaliland ayaa labadii habeen u danbeeyay ku sugnaa Magaalada Berbera, waxaana la filayaa inuu usii gudbo dhinaca Bariga Somaliland, iyadoo Madaxweynuhu xadhiga ka jarayo dhismaha Wadada Ceergaabo oo hawsheeda la bilaabayo, taas oo ay gaadheen qalabkii ay xukuumaddu usoo iibisay, kaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Ceergaabo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *