Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  Xafiiskiisa ku qaabilay maanta xubno ka socday Dallada Ururada aan dawliga ahayn  ee

loo yaqaan (Non state actress ) iyo bahda waxbarashadda Somaliland.

Kulamada Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay Xubnahaa, ayaa ujedadoodu la xidhiidhay sidii xukuumaddu taageero ugu heli lahayd diiwaangelinta madaniga ah ee muranku ka taagan yahay, kadib markii xisbiyada mucaaradku qaadaceen todobaadkii hore, isla markaana ay meesha ka baxday rajadii laga qabay in xukuumadda iyo Axsaabta mucaaradku ka heshiiyeen murankaa.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay kulankaa ku weheliyeen dhinaciisa xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, ayaa masuuliyiinta iyo xubnaha ka socday Dallada Ururada aan dawliga  ahayn iyo Bahda waxbarashadaba kala hadlay arrinta Diiwaangelinta Medeniga ah oo uu ku tilmaamay mid qaranka ahmiyad weyn ugu fadhida, isagoo yidhi sidan:-

“Waxay ila tahay waa waajib ina wada saaran qaadashada warqadda aqoonsiga, arrintaas iyo siday u shaqaynaysana waxa inoo sharraxay Wasiirka (Daakhiliga), si aynu u muujinno umadnimadeena iyo dadnimadeena oo aynu sugno oo aynaan cidna uga habran waa waajib iyo xil inaga wada saaran qaranka, cid waliba hawshaa halka ay kaga hagaagto aynu gudanno,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna kula dardaarmay xubnaha uu la kulamay inay shacabka fahansiiyaan hirgelinta qaadashada kaadhka dhalashada ee lagu bixinayo diiwaangelinta,  iyadoo Wasiirka Daakhiliga Cali Warancadde kulanka Madaxweynuhu la yeeshay xubnahaa kusoo bandhigay  bandhigay qalabka lagu fulinayo diiwaangelinta madaniga ah, isla markaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland sameeyay diiwaangelin tijaabo ah oo isagu iska qaaday.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadal u jeediyey ururrada bulshada rayidka ah, ayaa sheegay in qaadashada kaadhka dhalashadu tahay arrin waajib ah, balse waxba kamuu soo hadal-qaadin khilaafka ka dhashay diiwaangelinta madaniga ah.

Waxa kale oo kulamadaa hadallo ka jeediyey xubno wasiirro ah iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee ka qaybgalay, kuwaas oo soo dhoweeyay mawduuca Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Arrimaha Guduhu ku qancinayeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *