Hargeysa(ANN)-Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin  ayaa golaha Wakiilada dib ugu soo celiyey Xeerkii miisaaniyadda Qaranka ee ay ansixiyeen horaantii bishan. Ka dib markii mudanayaashu ka yeesheen  dood, isla markaana gebagebadii doodaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

 

Sida  lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo   ka soo baxay golaha wakiilada, waxa uu Madaxweyne Rayaale maanta dib ugu soo celiyay Xeerkii Miisaaniyada Qaranka. Qoraalka kasoo baxay Xarunta Golaha wakiilada   oo uu ku saxeexnaa ku simaha xoghayaha guud ee golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, isla markaana ah Xoghaye ku xigeenka golahaa, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-  

“Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 31/05/2010 uu Madaxweynaha JSL golaha Wakiilada ku soo celiyey  Xeerka Miisaaniyada qaranka oo uu goluhu u gudbiyey 11/05/2010.”

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa uu soo saaray maanta  digreeto uu ku dhaqan gelinayo wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerka doorashooyinka ee  xeer Lambar No.20, kaas oo ay  todobaadyadii ina dhaafay golayaasha sharci dejintu ansixiyeen. Ka dib markii wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay si aanu carqalad ugu noqon hawlaha doorashada. Waxaana meelaha wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay ka mid ah mudada Ololaha doorashada Madaxtooyada oo lagu soo koobay 21 maalmood.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *