boorama4Boorama(Araweelo News Network)Madaxweynaha soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka ku waaberiistay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaana

 

si laayb leh ugu soo dhoweeyay halkaa boqolaal gaadiid iyo dadweyne oo is xidhay jidka dheer ee isku xidha inta u dhaxaysa Gebilay iyo Awdal .

wadada isku xidha lugahaya iyo BooramaBoorama21Masuulyiinta gobolka iyo kuwa degmada Boorama oo ay weheliyaan masuulyiinta ururka waddooyinka Awdal ee SERDA ayaa ka dhexmuuqday soo dhaweynta wefdiga Madaxweynaha Somaliland, iyadoo Madaxweynaha ay socdaalkiisa ku weheliyaan wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubnaha golaha wasiiradda qaarkood oo ay ka dhexmuuqdeen Wasiiradda Arrimaha debeda, Arrimaha Gudaha, Boosaha, Beeraha iyo xubno kale. Boorama20boorama19

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xadhigga ka jaray jaray  qaybtii u dambaysay ee  lagujsoo gunaanaday jidka u dhexeeya Boorama iyo Dila  oo ururka wadooyinka Awdal  ee ASEFRDA sannado badan ku
Mashquulsanaa, kaas oo ay dawlada Somaliland gacan weyn ka geystay dhamaystirkiisa.

boorama18boorama17Sidoo kale  Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kaddib u kicitmay goob galbeedka magaalada Boorama u jirta ilaa saddex Km,  halkaasoo uu dhagaxa dhigay Madaxweynuhu jidka isku xidhi doona Lawyacaddo iyo Boorama oo dhererkiisana lagu qiyaasay ku dhawaad 300 oo km, kaas oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku daray qorshaha la doonayo in lagu dhiso wadooyinka isku xidha dalka.

boorama15Boorama11Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa markaa ka dib u kicitimay Jaamacadda Camuud, halkaas oo Madaxweynaha iyo wedfigiisu kaga qaybgaleen xaflad  ururka wadooyinka ASERDA ku qabteen, taas oo ay ka qaybgaleen dhammaan masuulyiinta laamaha dawladda  ee gobolka Awdal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deggen Boorama iyo sidoo kale salaadiinta iyo madaxdhaqameedka Awdal.

boorama14boorama16Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay halkaa ayaa sheegay sida ay xukuumaddiisa uga go’antahay dib u dhiska dalka iyo in ay fuliso waxyaabihii ay balanqaaday xiliggii ololaha doorashada ee 2010. Munaasibadaa waxa sidoo kale hadalo ka jeediyay waxgaradka ,siyaasiyiinta ,iyo xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah ,ayaa waxa ka hadlay soo dhaweynta madaxweynaha loo sameeyey ayaa toddobaad uun ka dambaysay soo dhaweyn  wiigii hore Boorama loogu sameeyey madaxweyne ku xigeenka soomaaliland oo jid qardajeex ah kasoo galay magaalada ,Balse Mardaxweyne Siilaanyo ayaa qaab ka duwan socdaalka madaxweyne Xigeenkiisa, wuxuu  cabbaar kusoo lugeynayay jidka laamiga ah ee Boorama kasoo gala dhinaca Hargeysa .

boorama3boorama7Maanta gelinkii dambe waxay madaxweynaha iyo wafdigiisu  socdaal dheer ugu kicitimeern dhinaca xeebaha galbeedka Somaliland, gaar ahaan degmada Saylac.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *