New York(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qiray inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga Raysal Wasaarihiisa

 

Cabdiweli Sheekh, wuxuuna sidaa ku sheegay Waraysi khaas ah uu siiyay Idaacadda VOA laanteeda Afsoomaliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay shirka aan caadiga ahayn ee lagaag hadlayay arrimaha Somalia ee ka dhacay xarunta qaramada Midoobay ee New York todobaadkan, wuxuu waraysigaa oo uu la yeeshay Weriye Daa’uud Aways oo shirkaa ka dib kula kulmay New York u sheegay inuu jiro khilaaf fara-taag taag ah iyo xan u dhaxaysa isaga iyo Raysal Wasaare Cabdi Weli, wuuxuna isagoo arrintaa ka haldaya ydhi, “”Waxaan aaminsanay in kala fikir duwanaanta hadda jirta aanay noqon karin mid lagu jabo oo dowladnimadu u bur-burto oo aanay noqon mid ay dhibaato ka dhacdo.

Shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala ra’yi duwan yahay, berrina waa la kala ra’yi duwanaan karaa, umana arko anigu inuu jirto walwal weyn. Waan kala duwannahay ama annagoo kala duwan ayaan wada-shaqeynaynaa ama kala duwanaashaha waxaan ku dhameys-tiraynaa dhaqanka Soomaaliyeed ee suubban iyo xeerarka uu dalkeennu leeyahay” ayuu yiri Xasan Gurguurte oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay khilaafka u dhexeeya isaga iyo raysal wasaare Cabdi Weli ee mudooyinkan kusoo noq-noqnayay warbaahinta Soomaalida.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *