Jigjiga(ANN) Madaxweynaha dawlada Kililka shanaad ee ismaamulka Soomaalida Ethopia  Maxamuud Cumar  ayaa si weyn u  qaabilay Wafti Sare oo ka socday dawladda Somaliland oo booqasho ku tegey caasimada Jigjiga ee Kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethopia. Wefdigaa

oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr.  Maxamed Cabdi Gaboose oo ay xubno ka yihiin  Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland  Dr. Maxamed Yaasiin Xasan,  wasiirka wasaaradda Boostada iyo isgaadhsiinta, C/risaaq Khaliif,   Wasiirka Wasaaradda Beeraha S/land,  C/risaaq Rooble,  Taliyaha  Ciidanka Booliska S/land Gen,  Cilmi Rooble Furre iyo Maayarada gobolada Somaliland.
Wefdiga dhinaca Somaliland ee gaadhay halkaa shalay, waxa xafiiskiisa warbixin kooban oo uu kaga hadlay  xaaladda Guud Ee Deegaanka Soomaalida Ethopia ku siiyay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud, isagoo tilmaamay inay  Soo Wanaagsanaanayso xaalada Dhinacyada Horumarka Iyo Nabad-gaelyaduba, inkastoo uu xusay in Meelaha Dhibaatadu uga timaado  ay ka mid tahay Somalia oo mushkiladi ka taagan tahay.

Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Ethopia Mr. Cabdi wuxuu tibaaxay inay  Itoobiya Iyo Soomaaliland  isku dan yihiin oo aanay kala  maarmin, isagoo tusaale usoo qaatay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya iyo  Laamiga Isku Xidha Itoobiya Iyo Soomaaliland ee Dawlada Itoobiya Samaysay.
Madaxweyne Cabdi ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii ay labada dhinac u wada abuuri lahaayeen  Xidhiidhka ganacsi oo dhab ah, isla markaana meesha laga saaro ganacsiga sharci darada ah. Sidoo kale waxa uu xusay in xidhiidhka wanaagsan ee dawladiisa iyo dawlada Federaalka ee Ethiopia la leeyihiin Somaliland mid taariikhi ah oo bulshada labada dhinac xidhiidhkoodu yahay soo jireen ah. Sidoo kale wuxuu xusay in  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xidhiidh wanaagsani ka Dhaxeeyo, balse Ayuu Yidhi Waxaa Jira Shaqsiyaad si xun Ugu Adeega Ururada Nabad-diidka  ah oo ka mida S/L.
Madaxweynaha Kililka shanaad wuxuu kusoo dhoweeyay wefdiga Somaliland Calanka qaranka Somaliland oo uu gamcihiisa ku kala bixiyay. 

Dhinaca kale Dr.  Maxamed Cabdi Gaboose Wasiiirka Arimaha Gudaha S/L oo Hogaaminayay waftiga ayaa Cadeeyay inay  Dawladiisu Ahmiyad Iyo Qadarin Balaadhan u Hayso Dawladda Federaalka Iyo Dawlada Ismaamulka Soomaaliadaba, isagoo xusay in  si ay  Somaliland u gaadho himiladeedana ay muqadas tahay inay  deris wanaag iyo iskaashi kula noolaato jaarkeeda.
sidoo kale Dr.  Gaboose waxa uu  farta ku fiiqay anay Dawlada Somaliland  Hanti Maguurto Ah u tahay Sugidda Amniga iyo xasiloonidu, isla markaana loo baahan yahay  in lala jihaado kuwa nabad-diidka ah ee sida uu sheegay carqaladaynaya horumarka labada dhinacba, wuxuuna ka codsaday in laga taageero dhinacyada waxbarashada sida  koorasyada waxbarasho,  si ay Ardayda Somaliland uga faa’iidaystaan. Sidoo kale in dhinaca  Ciidamadda Iyo Qalabka Laga Caawiyo, wuxuuna ka codsay maamulka in Baabuur Somaliland ah oo ku xidhan Kililka Shanaad lasii daayo.
Dr.  Gaboose waxa uu  amaanay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo ku amaanay  dadaalkiisa Dawladnimo,  ogolaanshaha iyo soo dhowaynta Wada-xaajoodka Miiska, wuxuuna ksuoo geba-gabeeyey  hadalkiisii,  “Waa in aynu Caawa abuurno xidhiidh wada-shaqayn,Walaalnimo Ixtiraam iyo Qadarina waanu idiin haynaa,  Anagoo  aaminsan  si Somaliland  qaranimadeeda u hesho inaad  gacanta aad ka gaysataan ku xidhan tahay inaad  noo noqotaan (Ismaamulka Dawlada Jigjiga) ,  Biriijkii aan u sii mari lahayn  dawlada Federaalka.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland  Gen.Cilmi Rooble Furre ayaa dhiniciisa  cadeeyay inay  Gacan Buuxda Ka Qaadanayaan sidii looga  hortagi lahaa  Nabad-diidka ku wajahan deegaanka iyo gobolkaba, isagoo xusay inay  dhamaan Xeebaha Somaliland  xidheen oo ay si gaara isha ugu hayaan.  waanu Xidhnay Isla Markaana wixii Hadda Ka Danbeeya waanu u Feejignaanahay.
waxyna labada dhinac isla qaateen heshiis dhinaca nabadgelyada iyo ganacsiga ah iyo in gamcaha lays qabsado, iyadoo gebagebadii Waftigii Somaliland  Gudoonsiiyeen Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida  Ethopia Cabdi Maxamuud Cumar Hadyado ay ugu Talo-galeen.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *