Hargeysa(Araweelo News Network) Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo ee Hargeysa, ayaa kordhiyay qiimaha shidaalka ee Batroolka maalmihii u danbeeyay, taas oo meelaha qaar samayn ku yeelatay gaadiidka yar yar iyo maceeshada, iyagoo kordhiyay shidaalka

 

gaar ahaan Batroolka 5 %,  halkii 5.Ltr ee Batroolka ah ay ka ahayd $ 5 dolar oo ay ku kordhay $ 0.5 dolar.

Qaar ka mid ah Kalamaha shidaalka ee magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayaa qariyay in ay iibiyaan Batroolka, iyagoo qorshaynaya in ay qiimaha intaa kasii kordhiyaan, waxayna dadka u sheegayeen in aanay hayn shidaal, gaar ahaan Batroolka oo ay qiimihiisa kordhiyeen maalmihii u danbeeyay.

Dadka Kaalamaha ku iibaya shidaalka oo kasoo iibsada Haamaha Shidaalka ee Berbera oo ay maamusho shidaalka Shirkada HASS, ayaa ku doodaya in sababta ay qiimaha Batroolka u korhdiyeen ay tahay kadib markii dhowaan Shirkada HASS  ee keenta Shidaalku kordhisay qiimaha Foostada Batroolka oo halkii markii hore ay ka ahayd $178 dolar, ay ka dhigtay $192, taas oo noqonay in lagu kordhiyay $14 Foostada. Sidoo kale waxay ku doodeen Kaalamaha shidaalka qaarkood in ay shirkadaha keena shidaalku sidan oo kale sameeyaan oo ay heshiish ku yihiin si qiimaha loo kordhiyo in ay dib u dhigaan shidaalka usoo socda.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin arrintaa, balse masuul dawlada ugu magcaaban Maareeyaha Haamaha shidaalka Berbera Mr. Saleebaan Siciid Cali oo waraysi gaar ah Jamhuuriya khadka telefoonka ku siiyey shalay, ayaa difaacay qiimaha shidaalka ee la kordhiyay iyo saamaynta uu ku yeeshay suuqa, wuxuuna ku andacooday in ganacsigu xor yahay oo ay shirkadaha iibiya Batroolku qiimaha ay doonaan ku iibinayaan, isla markaana aanay dawlad ahaan faragelin ku samayn, wuxuuna isagoo ka jawaabaya
Sababta qiimaha shidaalka la kordhiyay yidhi, “Horta ganacsiga waad taqaanaa oo sicirku meel fadhiyo oo sidaa sarrifka lacagta doollarku isku bedbeddelayso ee aannu isku midka u ahayn shalay iyo maanta ayuun buu shidaalkuna la mid yahay. Ta kale, annagu sicirka ma jarno oo shuuciyad ma nihin ee suuqeennu waa xor, taas ayaana keenaysa marka badeecaddu yaraato in ganacsaduhu ku fikiro inuu ka faa’iidayso fursadda oo qiimaha wax ku daro.”

“Annagu waannu haynaa batrool, waanuna tashiilnay oo waannu koobaynaa si aannu u dhammaan ilaa inta batroolka kale naga soo gaadhayo oo maraakiibtu imanayso. Maalintii ilaa 3 kun oo litir ama ilaa toban Booyadood oo Batrool ah ayaa laga qaadaa Haamaha.” Ayuu yidhi Mr. Saleebaan, iiyadoo jawaabtiisu u muuqto mid taageero ah, isla markaana khalad ka fahamay ganacsiga xorta ah.

Marka la eego Haamaha shidaalka Berbera, waxa mudo dheer Monaboli, ama kooto ay ugu xidhnaayeen shirkad sidatay magaca TOTAl, taas oo aan la ogolayn in ay cid kale keento shidaal dalka. kadibna qiimaha ay doonto ku iibin jirtay, balse markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay xukunka dhawr sanadood ka hor ayaa laga saaray khadka, iyadoo aan la ogayn halka la mariyay dhaalihii malaayiinka dolar ahaa ee kaga maqnaa qaranka.

Hase yeeshee waxaa lagu bedelay shirkad lagu magcaabo HASS, taas oo ay leeyihiin ilaa inta laga warhayo muwaadiniin ganacsto iyo masuuliyiin, waxayna Haammaha shidaalka Berbera u xidhan yihiin Hass iyo dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay Red Sea oo iyadu xiligii Total gacanata ku haysay Haammaha Berbera ee shidaalka keligood ay ka ogolaatay Total in ay shidaalka ay keenaan dalka ku shubaan Haammaha Kaydka, taas oo sababtay in muwaadiniinta kale ee doonaya in ay shidaal dalka keenaan si suuqa ganacsigu u noqdo mid xor ah oo tartan ah, isla markaana aanay u dhicin in koox yar , ama shirkad kooto loogu xidho ganacsiga shidaalka, taas oo sababtay in ay qiimaha ay doonaan ku iibiyaan oo ay kordhiyaan maalinta iyo saacada ay doonaan. sida xiligan sababtay in qiimaha shidaalka la kordhiyp, balse waxa nasiibdaro ah in shirkadaha iyo ganacsatada qaabkaa u dhaqmaya ay difaacaan masuuliyiinta xukuumadda oo waajibkoodu ahaa in ay ilaaliyaan siyaasada ganacsiga xorta ah iyo in aan bulshada ay masuulka ka yihiin aanay koox yari u tashan oo dhiig miirad ku noqon.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *