indhagudhanGaroowe(Araweelo News Network)Maamul Goboleedka Puntland ee xaruntiisu tahay Garoowe ayaa ka hadlay Ciidamada Somaliland ee la wareegay maanta magaalada Taleex oo ah

 

degmo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland.
Kulan ay maanta ka yeesheen arrintaa masuuliyiinta Maamul goboleedka Garoowe, waxa markaa ka dib qoraal laga soo saaray qabsashada Ciidanka qaranka Somaliland ee Taleex warbaahinta u akhiriyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indho-gudhan), wuxuuna qoraalkaa ku sheegay in Puntland ay si deg deg ah uga Jawaabi doonto ciidamada Somaliland ee la wareegay Taleex.

Mr. Indha-gudhan ayaa ku yidhi qoraalkiisa sidan:-“Ciidamada Somaliland Waxaa ay si gardaro leh ay ugu soo xadgudbeen  una yimaadeen dagmda Taleex oo ka tirsan maamulka puntland kuwaas oo wali sii wada xadgudubyada ay ku hayaan dadka iyo dalka reer puntland gardaradaan iyo daandaansigan ayaa maanta golaha wasiirada ee dawlada Puntland waxaa ay ka soo saareen Qodabo.
Dawlada Puntland waxaa ay si kulul u canbaareynaysaa xadgubka ay Dawlada Somaliland,waxaana ay uga digaysaa dawlada Somaliland cawaaqib xumada ka dhalan karta Gardarada ay wadaan”Ayuu yidhi Indho Gudhan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *