Labada Xisbi MucaaradHargeysa(Araweelo News Network) Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid Iyo Wadani ayaa Maanta kala saxeexday Heshiis ay si rasmi ah u shaaciyeen, kaas  oo u gogol xaadhaya

 

sidii ay u wada shaqayn lahaayeen, isla markaana ay  isaga kaashan lahayeen doorka mucaaradnimo.

Munaasibad lagu shaaciyay Heshiiska oo ka dhacay Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa, waxa  waxa ka qaybgalay  Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Guddomiyaha Xisbiga Wadani C/raxman Maxamed C/llaahi Cirro oo ay weheliyeen Masuuliyiin  kala Duwan ee Labada Xisbi ka tirsan, balse waxa aan munaasibada heshiishka ka muuqan Musharixiinta jagadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka ee xisbiga UCID.

 

Kulankaa oo ahaa mid si weyn loo agaasimay, waxa hadalo ka jeediyay labada Gudoomiye xisbi mucaarid oo heshiiska qalinka ku wada duugay.

 

Qodobada heshiishka  oo ahaa toban qodob ayaa  u dhignaa Sidan:-

1.       In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid,

 

2.      Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo  shuruucda dalka

 

3.       In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka

 

4.      In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo

 

5.      In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin

 

6.      Inay labada xisbi mucaarid  diyaar u yihiin inay xukuumada  iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka

 

 

7.      Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah

 

8.      In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan

 

9.      In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo  daneeyayayaasha doorashooyinka

 

10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran  ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *