Hargeysa(Araweelo News Network) Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid Iyo Wadani ayaa Maanta kala saxeexday Heshiis ay si rasmi ah u shaaciyeen, kaas oo u gogol xaadhaya
sidii ay u wada shaqayn lahaayeen, isla markaana ay isaga kaashan lahayeen doorka mucaaradnimo.
Munaasibad lagu shaaciyay Heshiiska oo ka dhacay Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa, waxa waxa ka qaybgalay Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Guddomiyaha Xisbiga Wadani C/raxman Maxamed C/llaahi Cirro oo ay weheliyeen Masuuliyiin kala Duwan ee Labada Xisbi ka tirsan, balse waxa aan munaasibada heshiishka ka muuqan Musharixiinta jagadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka ee xisbiga UCID.
Kulankaa oo ahaa mid si weyn loo agaasimay, waxa hadalo ka jeediyay labada Gudoomiye xisbi mucaarid oo heshiiska qalinka ku wada duugay.
Qodobada heshiishka oo ahaa toban qodob ayaa u dhignaa Sidan:-
1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid,
2. Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka
3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka
4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo
5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin
6. Inay labada xisbi mucaarid diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka
7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah
8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan
9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo daneeyayayaasha doorashooyinka
10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.