Dubai(ANN) Labada Madaxweyne ee Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) iyo Somalia Sh. Shariif Sheekh Axmed, ayaa wada jir usoo saaray maanta Go’aan ay wadajir u saxeexeen oo kasoo baxay magaalada Dubai, kaas oo loogu magacdaray Dubai  statement. Qoraalka labada

Madaxweyne soo saareen oo ka kooban Afar qodob, isla markaana ku taariikhaysan 28 Jun 2012, ayaa u qornaa sidan:-
1. Iyadoo laga duulayo shirarkii London iyo Istanbul ee ay kasoo baxeen Warmutiyeedkii ay beesha caalamku ku taageertay wadahadalada Dawlada Somaliland iyo Dawlada Somalia  iyo dawladda bedeli doonta TFG, si loo cadeeyo mustaqbalka xidhiidhka labada dal iyo sidoo kale iyadoo la raacayo kulankii Chevening  House ee London, Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia  sideedii qodob waxay ku kulmeen magaalada Dubay 28 June 2012.
2. kulanka waxa martigelisay dawladda Imaaraadka Carabta oo ay labada dhinac ka codsadeen.
3. Ujeedada kulankani waxa uu ahaa in labada madaxweyne ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ay goob-joog ahaadaan si ay si rasmi ah u taageeraan hannaanka wadahadalka labada dhinac bilaabeen ee 20-21 June 2012 ku dhexmaray xarunta Chevening House ee duleedka London.
4. labada dhinacba waxay isla qaateen inay sii wadaan  wadahalka si look ala caddeeyo xidhiidhka  labada dhinac u dhexeeya.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13832f163471cf5d&attid=0.1&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1340888297142&sads=REz097A_a3PB2-6TTJ59KljrAZw&sadssc=1
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *