Dubai(ANN) Labada Madaxweyne ee Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) iyo Somalia Sh. Shariif Sheekh Axmed, ayaa wada jir usoo saaray maanta Go’aan ay wadajir u saxeexeen oo kasoo baxay magaalada Dubai, kaas oo loogu magacdaray Dubai statement. Qoraalka labada
Madaxweyne soo saareen oo ka kooban Afar qodob, isla markaana ku taariikhaysan 28 Jun 2012, ayaa u qornaa sidan:-
1. Iyadoo laga duulayo shirarkii London iyo Istanbul ee ay kasoo baxeen Warmutiyeedkii ay beesha caalamku ku taageertay wadahadalada Dawlada Somaliland iyo Dawlada Somalia iyo dawladda bedeli doonta TFG, si loo cadeeyo mustaqbalka xidhiidhka labada dal iyo sidoo kale iyadoo la raacayo kulankii Chevening House ee London, Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia sideedii qodob waxay ku kulmeen magaalada Dubay 28 June 2012.
2. kulanka waxa martigelisay dawladda Imaaraadka Carabta oo ay labada dhinac ka codsadeen.
3. Ujeedada kulankani waxa uu ahaa in labada madaxweyne ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay goob-joog ahaadaan si ay si rasmi ah u taageeraan hannaanka wadahadalka labada dhinac bilaabeen ee 20-21 June 2012 ku dhexmaray xarunta Chevening House ee duleedka London.
4. labada dhinacba waxay isla qaateen inay sii wadaan wadahalka si look ala caddeeyo xidhiidhka labada dhinac u dhexeeya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com