Hargeysa(ANN ) Kormeerayaasha ka socday Ururada Bulshada Somaliland ayaa ka hadlay qaabkii

ay u dhacday doorashadii madaxtooyada Somaliland ee sabtidii todobaadkan ka qabsoontay dalka Somaliland.

Qoraal ay maanta kazoo saareen kormeeyashaasu ayay kaga hadleen qaabkii ay u dhacday doorashada

 

 

 

 

madaxtooyada oo mudadii ay socotay codbixintu ay indhaha ku hayeen. Qoraalka ay kasoo saareen kormeerayaashu qaabkii codbixinta iyo sidii ay u qiimeeyeen, waxay u qornayd sidan;

“ War-saxaafadeedka ka soo baxay SONSAF , ayaa isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan: “SONSAF waxay dalka oo dhan ka hawl gelisay goobjoogayaal ka socda bulshada rayidka ah  oo dhexdhaxaad ah kana soo warbixiya in doorashadii madaxtooyada ee bisha June 26,2010 ka dhacday guud ahaan dalkoo dhan. Doorashadaasi waxay u qabsoontay si nabad ah oo lagu qanci karo.

 

Goobjoogayaasha SONSAF waxay rumeysan yihiin inay doorashadu ahayd mid xor iyo xalaal ah kuna salaysan  ixtiraamidda danaha iyo rabitanka dadka reer Somaliland.

 

SONSAF waxay ka hirgelisay Somaliland oo dhan isku duwid dhexdhexaad ah ee goobjoognimada doorashada madaxtooyada ee bishii  Juun 26-da. SONSAF waxay  heshay 1000 warbixinood, kana yimi in ka badan 700 oo goobjoogayaal loo tababray lana  geeyey in ka badan 900 goob oo codbixineed oo ku baahsan 6da gobol ee Somaliland.  In ka badan 40% ee goobjoogayaashu waxay ahaayeen haween. SONSAF waxay adeegsatey foomam goobjoognimo oo isku mida kuwaas oo caddaynaya hab raaca furaha u ah codaynta oo ay ka mid yihiin  furida goobta codbixinta, codaynta xidhista goobta iyo tirinta codadka.

 

Goobjooyaaashu waxay ku ekaayeen goobaha codaynta maalintii oo dhan. Hase yeeshee meelaha qaarkood waxay ka wada shaqaynayeen dhawr goobood oo isku meel  ku yaalla ama isu dhaw dhaw. Warbixinta waxay u soo gudbiyen habraac xidhiidhsan sida goob, degmo, gobol ilaa iyo heer qaran oo hoos imanaya isku duwidda guud ee xoghaynta SONSAF. Magaala madaxyada gobolladu waxay ahaayeen xarumaha xog ururinta xoghaynta SONSAF. Caasimada Hargeysana waa xarunta xog ururinta dhexe ee dalka oo dhan iyo xarunta lafo-gurida halkaas oo lagu caddeeyo tayada  laguna lafa-guro dhexdhexaadnimada warbixinaha ee heerarka goobjoogidda doorashada aan dhinacna u xaglinayn.

 

SONSAF waxay bogaadin iyo hambalyada ugu saraysa u gudbinaysa dhammaan mutawadiciintii wakhtigooda u huray siday u taabagelinlahaayeen sugnaanta iyo hufnaanta habraaca doorashada. SONSAF waxa kale oo u mahadnaqasaa hawlwadeenada guddida doorashooyinka qaranka (NEC) iyo daneeyeyaasha kale ee doorashada siday iskaga kaashaden geedi socodka goobjoognimada.

 

Marka laga reebo ficillo aan aad u muuqan, SONSAF waxay qirtay in hab-socodkii maalinta doorashadu aad u degganaa oo aanay ka muuqan wax iswaydaaris ihi. Waxay ahayd mid aad loogu soo baxay codayntu gaar ahaan dumarku inkastoo hal gobol ka qaybgalkiisu aad u hooseeyay.

 

SONSAF waxay aad uga xun tahay rabshadii ka dhacay Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Sool taasina ay sababtay dhimashada hal qof oo ka socday gudida doorashooyinka qaranka iyo hal qof oo ka mid ahaa ciidamada nabadgelyada. 

 

Guud ahaan, guddida doorashooyinka qaranku waxay doorashada u maamuleen si hufan oo aqoon ku dhisan, waxaanay ku guulaysteen xallinta caqabadihii dhinaca farsamada iyo saadka ee ka horyimid inkastoo gudida doorashooyinka qaranku qirtay in 34 goobo codbixineed aanay furmin xaalado nabadgelyo darro awgeed, wakiillada axsaabtuna way joogeen badiyaa goobihii codaynta ee la soo arkay.

 

Guud ahaan saalada siyaasadeed ee Somaliland  way deggeneyd maalintii doorashada. Sidoo kale, ololihii doorashadu aad buu u nabdoonaa waxanuu waafaqsanaa xeerka anshaxa ee ay saxeexeen saddexda xisbi siyaasadeed, inkastoo guddida kormeerka doorashadu soo weriyeen gefef aan badnayn oo lagu sameeyey anshaxa: Waxa si aan xeerka anshaxa aan waafaqsanayn loo adeegsaday hantida qaranka sida gaadiidka dawlada, Telefishanka Qaranaka iyo shaqaalaha dawlada oo ku lug yeeshay ololihii.

 

Sharciga cusub ee diiwaangelinta  iyo sharciga doorashada ee la cusboonaysiiyay waxay keeneen asaas wanaagsan iyo dib u habayn muuqata taas oo wax wayn ka tartay  qabashada doorasho madaxtooyo oo noqotay mid u dhiganta heerka caalami ahaan laysla oggolaaday ee dimoqraadiyada siyaasadaha xisbiyada badan.

 

Keenidda habka diiwaangelinta cusub ee lagu soo sameeyey liiska codbixiyeyaasha ee dalka oo dhan iyo kaadhadhka habka casriga ah ee codbixinta/dhalashada ee ay xaqa u leeyihiin muwaadiniinta Somaliland waxay muhiim ah u yihiin doorashada madaxtooyada iyo dhinacyada sharciga, hawlqabadka iyo caqabadaha maaliyadeed.

 

Samaynta guddida doorashooyinka qaranak ee joogtada ah oo madax bannaan kana faaiidaystay waayo aragnimadii wax ku oolka ahayd ee doorashooyinkii hore ee samaynta siyaasadaha qaranka iyo heerarka maaraynta khilaafyada doorashada (sida guddida  kormeerka  doorashooyinka, golaha dhexdhexaadinta, kooxda kormeerka warbaahinta) iyo qaabka cusub  ee xeerka anshaxa ee axsaabta siyaasadda iyo warbaahinta oo ku suntan horumarinta qaab-dhismeedka sharciyeed ee doorashada Somaliland.

 

Sidii doorashooyinkii hore, SONSAF waxay hoosta ka xariiqaysaa in fulinta guddida kormeerka doorashadu si cad uga muuqanayso in isticmaalka hantida ka dhaxaysa dadka ee axsaabta siyaasadda  iyo doorka ay shaqaalaha dawladdu ku leeyihiin ololaha waxa looga baahan yahay inay ixtiraamaan axsaabta siyaasaddu.

 

Guud ahaan, warbaahintu waxay ka muujiyeen baahin dhexdhexaad ah dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee ololaha axsaabta siyaasadda. Haddaba labadii toddobaad ee u horeeyey, kooxda kormeerka warbaahinta iyo guddida kormeerka doorashadu waxay ku soo warbixiyeen in telefishanka qaranka Somaliland (SLNTV) aanu ixtiraamin xeerka anshaxa waxaanay ku adkeen guddida doorashooyinka qaranku inay tallaabo ka qaadaan sida ku cad xeerka anshaxa.

 

Maalinta doorashada, goobjoogayaasha SONSAF waxay ku soo warbixiyeen inay codbixiyayaashu xor u ahaayeen inay meel sir ah oo qarsoodiya codkoodii ku dhiibteen,  in agabka doorashada si wanaagsan loo habeeyey, taas oo suurtogelisay in hawluhu sidii loogu talogaly u uga hirgalaan inta ugu badan goobihii la soo arkay. Wejigii hore ee maalintii doorashada, tiro dad ah oo aad u badan ayaa u soo baxay waxana meelo badan ka jiray safaf dhaadheer oo si fiican u habaysan. Guud ahaan goobaha codbixintu si wanaagsan ayay isugu duba-ridnaayeen, degganayeen si habboonna loo maamulayay, waxana ka shaqaynayay  shaqaale guddida doorashooyinka qaranku soo oggolaatay oo ay ilaalinayeen (dibedda goobaha codaynta) laba sarkaal oo boolis ihi oo ay weheliyaan saddex qof oo ka wakiil ah saddexda xisbi siyaasadeed.

 

Hadaba, meelaha qaarkood waxa ka jiray dhibaatooyin sida: caddaynta xarfaha magacyada cod bixiyayaasha iyo sida ay ugu kala aadayaan goobaha.

 

Goobjoogayaasha SONSAF  waxay soo weriyeen in goobaha la xidhay wakhtigii loogu talo galay iyadoo dad sugayey inay codeyaan loona ogolaaday.

 

SONSAF waxay soo dhaweynaysaa isbedellada ay keeneen doorka ay axsaabta siyaasadu ku yeesheen maamulka doorashada, joogitaankooda  goobaha codeynta oo guud ahaan wanaagsanayd. Goobjoogayaashu waxay soo weriyeen in tirinta goobaha codbixintu waafaqsanayd hababka inkastoo ay dheerayd. Awoodda in wakiilada axsaabta siyaasadu heleen nuqul lasoo cadeeyay oo ah natiijadii goobaha codbixinta waxay caawisay sugnaanta iyo xisaabta dhabta ah ee habkan doorashada ee xasaasiga ah iyo helitaanka kalsoonida natiijada ka soo baxda.

 

SONSAF waxay mar dambe soo saari doontaa warbixinta kama dambaysta ah natiijooyinka iyo talooyinka. SONSAF waxay daneeyeyaasha doorashooyinka oo dhan ka codsanaysaa inay wax ka bartaan doorashadan kuna dabaqaan casharada ay ka barteen wareegan dheer ee doorashada si ay ugu fududaato hagaajinta wajiyada badan ee hababka doorashooyinka mustaqbalka, sida doorashooyinkan deeganka ee inagu soo fool leh.

 

SONSAF waxa lagu dhawaaqay bishii August 2008 waxaanay ka kooban tahay bulshada rayidka ah ee Somaliland, ganacsatada gaarka ah, aqoonyahano iyo haya’daha waxbarashada. Doonista ah inay habayso oo ay abaabusho goobjoogayasha gudaha ee doorashada madaxtooyada ee 2010, guddida reer Yurub iyo Safer World UK-Nairobi ku heshiiyeen inay SONSAF  ku caawiyaan taageero maaliyadeed iyo mid farsamo.

 

Bishii May 2010, SONSAF waxay qoraal isfaham la saxeexatay guddida doorashooyinka qaranka (NEC) oo wadada u xaadhay qaabka isku duwidda ee labada haya’dood wakhtigii la samaynayay hawlaha goobjoogidda gudaha ee  doorashada madaxtooyada.

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office             

E-mail; Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *