Qoyska Gudoomiyaha Jaamacadda Ceergaabo Iyo Dad kale Oo Shil Baabuur Ku NafwaayayHargeysa(Arraweelo News Network) Shil laba gaadhi oo isku dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa maanta ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, kaas

oo ay ku geeriyoodeen shan qof oo Afar ka md ah ay kasoo jeedaan hal qoys, kuwaas oo watay gaadhi noociisu yahay SURF.
Halka gaadhiga oo ahaa nooca loo yaqaan Luncriser, kaas oo dadkii saarnaa  hal qof oo ka mid uu ku dhintay, iyadoo tirade dadka ku dhaawacmay  shilkaa ay yihiin Afar qof.

 

Gudoomiyaha Jaamacadda Ceergaabo Xasan Ibaraahin (Xasan Bulsho) ayaa dhalay laba hablood oo ku dhintay shilkaa, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin Muna Xasan Ibraahin iyo Faysa Xasan Ibraahin. Sidoo kale waxa dadka shilkaa ku dhintay ka mid ahaa Abtigood iyo adeerkood oo ay wada socdeen, iyagoo u safrayay dhinaca magaalada Ceergaabo.

Gaadhiga kale ee shilka galay , ayaa u socday dhinaca magaalada Hargeysa, isagoo usii jeeday magaalada Hargeysa.

Dadka ku dhintay shilkaa oo ahaa mid fool xun iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa loo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.

Wuxuuna shilkani noqayaa kii  labaad ee ugu khasaaraha badnaa oo todobaadkan gudihiisa ka dhaca  inta wadooyinka wadada isku xidha Hargeysa iyo Berebera, iyadoo shil kan oo kale oo foolxun uu ka dhacay todobaadkan duleedka dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba sababay.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *