Ilaalada Jaamacadda Hargeysa Oo Xabsiga La Dhigay Kadib Xaalad Cabsiyeed Oo  Sababtay  In Si Lama Filaan Ah Loo Kala Diro Ardayda JaamacaddaHargeysa(Araweelo News Network)Ciidamada amaanka Somaliland ayaa galay heegan culus. Kadib markii Jaamacadda Hargeysa si lama filaan ah loogu

war geliyay shalay in fasax tahay Jaamacaddu mudo aan si dhab ah loo shaacin, waxaana la geeyay dhismaha Jaamacadda Hargeysa ciidamo dheeraad ah.

Ma jiro war rasmi ah oo dhinaca xukuumadda Somaliland kasoo saartay arrintaa, balse waxa jira warar sheegaya in ay ciidanka amaanku heleen macluumaad la xidhiidha falal weeraro ka dhan ah amaanka Somaliland oo ay kooxaha xagjirta ah ee dagaalka ka wada Somalia ku hawlan yihiin sidii ay weeraro qaraxyo ah uga fulin lahaayeen Somaliland, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn halka ay ku jihaysan yihiin iyo xiliga ay ku began yihiin.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Amaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay shebekadda araweelonews in ciidanka Booliska Somaliland xabsiga dhigeen Taliyihii Rugta Booliska ee Jaamacadda iyo dhawr qof oo kale, kuwaas oo aan la ogayn sababta loo xidhay, balse wuxuu xadhigoodu kusoo beegmay xaalada deg-dega ah ee lagu fasaxay Jaamacadda Hargeysa.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidanka amaanka la geliyay heegan culus, isla markaana gaadiidka ayaa si weyn baadhitaan loogu bilaabay, iyadoo magaalada la geeyay ciidamo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hay’addaha ka hawlgala Somaliland lagu war geliyay inay taxadir sameeyaan, isla markaana dhaq-dhaqaaqooda koobaan ilaa amar danbe oo lagu xaqiijinayo xaalada amaanka.

Dhamaan arrimahaa ayaa kusoo beegmay, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo dunida Islaamka laga wada soomo, balse kooxda Al-shabaab ee dagaalama Somalia oo xidhiidh la leh Urur weynaha Al-qaida ayaa bishan oo kusoo beegantay bilaha ugu danbeeya sanadka Taariikhda Miilaadi ah, waxay sameeyaan qaraxyo iyo weeraro, waxayna Al-shabaab dhowaan shaacisay inay weerarada is qarxinta ah ee ay ka wadaan Magaalada Muqdisho kordhinayaan, iyadoo laga cabsi qabo in weeraro kuwaa la mid ah ay qorshaynayaan inay ka fuliyaan Somaliland.

 

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *