Burco(Arraweelonews Network) Munaasibad Baladhan oo loo Sameyay Furitaanka idaacad cusub oo laga hirgeliyay Magaalada Burco, ayaa lagu qabtay

 

magaaladaa, taas oo ay ka qayb Agasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta,Masuuliyin ka Socota Shirkada isgaadhsiinta Telesom,Maayarka Degmada Burco,Gudomiye ku Xigenka Togdheer iyo sidoo kale culimo iyo Marti Sharaf Kale.

Munaasibada xafladaa oo ahayd mid lagu daahfuray idaacad Cusub oo ah FM Quraanka Kariimka ah, taas oo  24 Sacadoodba si toos ah looga dhagaysan-doono Quraanka Kariimka ah, taas oo ay door weyn ka qaadatay hirgelinteeda Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom.

Maxamed Cabdi Axmed  oo ka mid ah Masuuliyinta Shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo munaasibdaa ka hadlay ayaa  Faah-faahin ka bixiyay qaabka ay u shaqaynayso Idaacaddu iyo waliba Shirkad ahaan Kaalinta iyo doorka ay ka gaysteen hirgalinteeda.

Wiuxuuna isagoo  arrintaa ka hadlaya yidhi, ” Runtii Fikirka aasaska Idaacadani waxa noola yimi Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Shirkad ahaana waanu ka Aqbalnay illaahay mahadii maanta waa Guul wayn oo la gaadhay.Shirkada isgaadhsiinta Telesom waa Shirkad wayn oo mar walba diyaar u ah Horumarka Dalka waxaanu qayb wayn ka qaadanaa dhinacyada

Waxbarashadda.Masaajidada.Malcamadaha iyo weliba hirgalinta Wadooyinka Dalka.
Shirkada Telesom waxay hore u samaysay Barnaamij la yidhaahdo Aqoon-maal, kaas  oo ay wax ku bartaan dad aad u tiro badani iyaga oo Jooga Guryahooda” Ayuu Yidhi Maxamed Axmed Cabdi oo ah masuulka ka socday Shirkadda Telesom.

Waxaana ka mid ahaa ” Runtii Fikirka Aasaska Idaacadani Waxa Noola Yimi Wasarada Warfaafinta S/land Shirkad ahaana Waanu ka Aqbalnay ilaahay Mahadii Maanta Waa Guul wayn Oo la Gaadhay.Shirkada isgaadhsinta Telesom waa Shirkad wayn Oo Mar walba Diyaar u ah Horumarka Dalka waxaanu qayb wayn ka Qaadana Dhinacyada Waxbarashada.Masaajidada.Malcamadaha iyo Waliba Hirgalinta Wadooyinka Dalka.Shirkada Telesom Waxay Hore u samaysay Barnaamij la Dhaho Aqoon-yahan Oo ay Wax ku bartaan Dad Aad u Tiro Badani iyagoo Jooga Guryahooda” Ayuu Yidhi Masuul ka Socda Shirkadda Telesom

Sidoo kale Maayarka Degmada Burco Maxamed Muraad oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in ay ku  guulaysteen in Wasaaradda Warfaafinta iyo Shirkada Telesom oo uu Shegay inay qayb wayn ka Qaadatay hirgalinta idaacadaasi ku heshiiyeen.

Maayarku wuxuu sheegay in Idaacaddaa ay bulshadu ka faa’idaysanay, isagoo xusay in ay ahmiygaar ah u leedahay bulshada Magaalada Burco iyo guud ahaan Togdheer.

Gudomiye ku Xigeenka Gobalka Togdheer Maxamed Maxamuud Yusuf (Ubaxle) Oo halkaasi ka hadlay ayaa isna dhinaciisa Xusay in idaacadani Maanta Lagu Daahfurayo Gobalka Togdheer ay Bulshada Gobalkaasi Naawilayeen Mudooyinkii u Danbeyayba Waxaanu Badhisaab ku Xigeenku Dhinaciisa Balanqaaday inay maamul ahaan soo dhawaynayaan Hirgalinta idaacadani Quraanka Kariimka ah,

Agasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-Galinta Somaliland Cabdi-Rashiid Jibriil Yuusuf  oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in dhowaan dalka oo dhan la gaadhsiinayo Idaacadda FM-ta oo uu sheegay la gelnayo Satalite-ka.

” Rajada iyo Hadafkayaga Dhow ka Wasaarad ahaan waxa weeye  in dhamaanba la gaadhsiyo Gobalada Dalka Oo dhan Idaacadda Quraanka Kariimka ah, intii aan hore loo gaadhsiin Fm-ta, waxaanu gelinay qaybta Satallite-ka si ay Idaacadu Caalamka u gaadho dhawaana insha-allaah waxaanu rajaynaynaa inaanu idaacada u samayno Website gaar ah si halkaasi looga dhagaysto Quraanka Kariimka, gobalka Togdheer wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo gobalkii labaad ee laga furo idacadaasi hambalyo ayaan Reer burco leeyahay., waxaana amaan balaadhan usoo Jeedinaynaa Shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo kaalin muhiim ah ka qaataday sidii ay u hirgali-lahayd Idaacadan Quraanka Kariimka ah” Ayuu Yidhi Agasimaha Guud Ee Wasaradda  Wasarada Warfaafinta Somaliland.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *