Hargeysa(ANN) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbil xaakimka Kulmiye ee hogaaminta dalka  haya  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa xukumada Somaliland ugu baaqay in shareecada Islaamka lagu fuliyo dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee fadeexada iyo foolxumadda u geystay

qaar ka mid ah haween Hargeysa.
Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sidaa ku sheegay  mar uu maanta ka hadlayey shir-jaraa’id oo ay xaruuntooda magaalada Hargeysa ku qabteen hogaanka Xisbiga KULMIYE. Shirkaa jariid oo ay gudoomiye xigeenka koowaad ku weheliyeen  guddoomiye xigeenka labaad Cabdiraxmaan Talyanle, Xoghayaha Guud Kayse Xasan Cige iyo Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee heerqaran Marwo Canab Cumar Ileeye.
waxa ay kaga hadleen dacwada Ninka Jarmalka ah, yeedhida Sh. Aadan Siiro ee CID-da, xadhiga suxufiyiinta ee waqtigan iyo mawqifkooda arrimahaa iyo siyaasada xukuumaddooda talada haysa.
 Dr. C/raxmaan C/qaadir oo ka hadlayay kiiska Ninka Jarmalka ah ayaa  sheegay in aan loo baahnayn in la marin habaabiyo gal dacwadeedka ninka Jarmalka ah, iyadoo laga been sheegayo xaqiiqda dhabta ah ee jirta. Wuxuuna  isagoo arintaa  ka hadlaya yidhi,  “Yeelimayno in sharci aan ka Islaamka ahayn lagu qaado dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee hablaheena faro xumeeyey, iyadoo cadayntii la hayo denbigaa uu galay, maadaama oo uu ninkani markii hore u sheegtay inuu Muslim yahay.”
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sheegay in hogaanka xisbigoodu kasoo horjeedaan  in la marin habaabiyo,  ama been loo sheego dadweynihii soo doortay, wuxuuna isagoo arintaa  ka hadlaya yidhi,  “Annagu haddii aanu nahay hogaanka xisbiga KULMIYE,  ma doonayno inaanu marin habaabino shacbigii na soo doortay, waana in si daacad ah xukumaddu ugu shaqayso.”
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga talada haya ee  Kulmiye Dr.  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu shirkaa jaraa’id kusoo qaaday  xadhig la sheegay in xukumaddu la damacsan tahay Sh. Aadan X . Maxamuud (Aadan Siiro), kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan loo baahnayn, isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda dalka u taalla. Iyadoo aanay jirin wax dambi ah oo uu sheekhu galay, isagoo arintaa ka hadlayana  waxa uu yidhi,  “Waa meel ka dhac weyn xadhiga la doonayo in lagu xidho Sh. Aadan Siiro, anigu waaban la yaabay markii aan maqlay arintaa,  Aadan Siiro waa nin aad u taageersan qadiyada gooni isu taaga Somaliland marka loo eego culimada kale.”
Dr.  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan ay arintan uga la xidhiidhayaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Somaliland marka uu dalka ku soo laabto, isagoo  yidhi,  “Arintan waxaanu kala xidhiidhaynaa Wasiirka la sheegay inuu amarka bixiyey Wadaadka iyo Madaxweynaha marka uu dalka ku soo laabto.”
Wuxuuna mar uu ka hadlayay xadhiga suxufiyiinta sheegay in aanay ahayn siyaasada xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddooda toona, isagoo yidhi, “haddanu nahay Kumiye waxaanu aamisanahay horena u amaainsanaynin aanay xal ahayn in saxaafada la xidho, waana waxyaabihii ay eeday dawladii hore, anaguna aanu canbaarayn jiray, hadana waanu canbaaraynaynaa, mana aha xal xadhiga suxufiyiintu ee waa in dariiqa sharciga loo maraa haddii saxaafadu gef samayso oo markaa xadhig iyo ganaax midkuu doono ha noqdee la mariyaa.”
Shirkaa Jaraa’id waxa kaloo ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbul xaakimka Keyse oo dhaleecayn usoo jeediyay talaabada xukuumaddu u maray xadhiga suxufiyiinta. Sidoo Gudoomiye xigeenka labaad C/raxmaan Talyanle ayaa sheegay in ay meel fiican marayaan talaabooyinkii isbedelka xukuumadda cusub laga sugayay, isagoo tusaale usoo qaatay xakamaynta waxa uu ugu yeedhay Musuq-maasuqa, laaluushka, Lunsiga dakhliga dalka iyo arrimo badan oo kale oo uu sheegay inay meesha ka baxeen maalintii xukuumadda cusubi xilka la wareegtay.
Sidoo kale masuuliyiintani waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen dadaalada nabad raadinta ee ka socda Gobolka Buuhoodle ee lagu heshiisiinayo labada beelood ee walaal ah ee dhawaan dagaalku ku dhexmaray deegaanka Kal-shaale. Iyagoo rajo fiican ka muujiyey in xal nabadeed oo kama dambays ah lagu soo afjaro colaada labada beelood ee walaalaha ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *