muuqaalka shirweynahaHargeysa(Araweelo News Network)Shirweynihii sadexaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye oo mudo labada maalmood ka socday Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa la soo gebogabeeyay

 

maanta. Shirweynahaa oo ay ka qaybgaleen ergooyin 1162 xubnood ayaa mar labaad si buuxda ugu doortay hoggaanka xisbiga 5-tii xubnood ee hore xilkaasi u hayey oo aanay cidi la tartamin.

Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Afartiisa ku-xigeen iyo Xoghayaha guud oo dhammaantood mid mid cod gacan-taag ah ergooyinku ugu qaadeen, waxay  ergooyinku cod aqlabiyad buuxda ah ku ogolaadeen hogaanka, marka laga reebo dhawr ergay oo ka aamusay qaarkood iyo kuwo diiday.

Guddoomiyaha xisbiga KULLMIYE oo uu isu-soo-taagay Muuse Biixi Cabdi, waxay ergooyinku si duuduub ah ugu codeeyeen, waxa sidoo kale cod buuxa guddoomiye-ku-xigeenka kowaad loogu doortay Maxamed Kaahin Axmed oo hore jagadaa u hayay, waxaana diiday Afar xubnood oo keliya.

Sidoo kale Guddoomiye-ku-xigeenkii labaad ee hore Maxamed Yuusuf Waabeeye ayaa mar kale dib loo doortay, kadib markii uu u tanaasulay Dr. Maxamed Carabayto oo kula sharraxnaa xilkaasi, waxaanna ogolaaday aqlabiyada ergooyinka, maraca laga reebo 36 xubnood diiday iyo Afar ka aamusay.

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad oo uu mar kale isu soo taagay Cabdiraxmaan Tanyanle, waxa u codeeyey aqlabiyada ergooyinka, balse waxa diiday 7 xubnood, halka 3 kale ka aamuseen.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo mar kale isku sharraxay jagada guddoomiye-ku-xigeenka afraad, ayaa waxa ogolaaday inuu inta badan tirada ergooyinkii madasha fadhiyey, waxase diiday 16 qof, halka ay ka aamuseen laba kale.

Ugu dambayntiina Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE oo uu isna ku soo noqday Xasan Siciid Yuusuf ayaa loogu celiyey xilkaasi oo ay isagana uga tanaasushay haweenay la yidhaa Sahra Basbaaso oo la tartamaysay, waxaanna doorashadiisa diiday 13 xubnood, laba kalena way ka aamuseen.

Geesta kale, waxa shirweynaha lagu ansixiyey kordhin lagu sameeyey tirada guud ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo lagu daray 100 xubnood, kadib markii shirar hoose oo ay yeesheen madaxda xisbiga iyo talooyin la waydiiyey, isla markaana ay ergooyinka shirweynahaba ka soo baxday baahi loo qabo in la kordhiyo Golaha Dhexe.
Gebegebadii waxa uu shirweynaha sadexaad ee Kulmiye ku dhamaaday jawi degan, waxaana madasha qudbad ka jeediyay Guddoomiyaha cusub ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inay ballanqaadayaan in hoggaankoodu ay dhawraan walaalnimada, wadajirka, gooni isu taagga Somaaliland iyo destuurkeeda .

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirweynaha madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu baaqay ergooyinka xisbiga in ay gacamaha is qabsadaan mar haddii tartankii dhammaaday .

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *