Hargeysa(ANN)Gaboodka ay ku bahoobeen ururrada haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa si weyn u soo dhaweeyey saamiga ay ka heleen Golaha wasiiradda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo soo dhisay oo uu ku daray saddex dumar ah. Gaboodku waxay Madaxweynaha ku ammaaneen tirada wasiiradda uu ka siiyey haweenka, iyagoo sheegay inay raali ku yihiin, isla markaana waxay rajo ka muujiyeen in agaasimayaasha iyo hay’adaha kale ee dawladda uu ku soo dari doono xubno haween ah oo cusub. Sidaana waxa lagu shaaciyay
qoraal ka soo baxay Gaboodka NAGAAD oo ay ku saxeexan tahay Ku-simaha Agaasimaha Fullinta ee dalladaasi Marwo Kinsi Xuseen Qowdhan, ayaa isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan; “Gabboodka ururrada haweenka ee NAGAAD oo ay ku bahoobeen 46 urur haween oo ku baahsan gobollada dalka JSL, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Ku dhawaaqista golaha xukuumadda ee qaranka, kaasoo ay ku jiraan saddex wasiir oo haween ah, ahna markii ugu horreysay ee ay dumarku xubno intaa le’eg ka mid noqdaan xukuumadda, waxaannu ku rajoweynahay raggu guriga ayey ku yaqaaneene inay iminkana shaada qaranka ku baran doonaan.
Gabboodka haweenka Nagaad oo ah kan ugu weyn dallad haween dalkeena, waxaanay madaxweynaha u caddaynayaan inay raali ka noqdeen tallaabada ugu horreysa ee dhismaha xukuumadda ee Madaxweynuhu qaaday, rajowyna ku qabaan inay masuuliyiinta qaybaha hadhsan ee xukuumadda, sida agaasimayaasha iyo guddiyada madaxbannaana ka heli doonaan saamigooda.
Mudane Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen waxaad ka baydheen arrintii ahayd, “inaan haweenka wax loo siin sida loogu ballanqaado marka doorashooyinka.”
Gabogabadii, gabboodka Nagaad waxay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa u ballanqaadayaan inay hiil iyo hooba la garab-joogsanayaan, si buuxdana ula shaqaynayaan.”
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com