Laascaanood(ANN) Nadiifo Maxamed (Col U Joog) oo ah haweenay u ololaysa Nabada iyo sidii xasilooni iyo horumar loo gaadhsiin laaha gobolka Sool ayaa caawa lagu toogtay  xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay
qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Somaliland, balse ga gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan dilka loo geystay caawa gabadhaa oo dablay aan la aqoonsan tiradooda iyo kuwa ay yihiin tacshiirad rasaas ah la beegsadeen  iyadoo maraysa suuqa magaalada Laascaanood.
Waxaana iyadoo dhaawac halis ah loola cararay cusbitaalka magaalada Burco , wararka qaar ayaa sheegaya in gabadhaa lala beegsaday tacshiirad rasaas ah oo qaarkeed madaxa kaga dhaceen. Ciidamada Booliska ayaa goor danbe tegey halkaa, mana jirto cid ilaa hada loo qabtay falkaa. Sida ay sheegayaan wararku aanu ka helay gobolka.
Falka Foosha xun ee tacshiirada lagula beegsaday Nadiifo oo ah dadka u dhaqdhaqaaqa nabada ayaa la rumaysan yahay inuu la xidhiidho baaqyada nabadeed eeay   si cad uga hadlaysay mudooyinkii u danbeeyay fowdada iyo xasilooni darada ka jira halkaa, iyadoo ku baaqaysay in aanay dagaalka iyo qaska ka socda Laascaanood u dani ugu jirin bulshada gobolka. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la qaato nabad si horumar loo gaadho, waxaana halku dhegyadii ay kulamo uu gobolka ka sameeyay Wasiirka warfaafinta Xaabsade ka mid ahaa  hadaladeedii “ Qurbajooga waxaan leeyahay Lacagta aad qoriga iyo rasaasta noo soo siinaysaan waxaad noogu bedeshaan Qalin iyo Buug caruurtayadu wax ha baratee.”
Gabadhaa ayaa hore kooxaha shirqoolada ka sameeya gobolka Sool u dileen Ninkeedii oo alla hawnaxariistee  Marxuum Maxamed Xirsi (Asad),oo ahaa   Taliyihii Sirdoonka  Gobolka Sool ee Somaliland oo  Goor caraways ah lagu dilay 7 March 2011 magaalada Laascaanood isaga iyo Taliye xigeenkii sirdooonka ee Sool Marxuum Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah.
Wixii kasoo kordha warka kala soco Araweelonews.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *